Deeyow oo shaaciyay qorshihiisa kadib markii xilka laga qaaday

Maxamed Deyow oo horay u maamuli jiray degmada Boondheere ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Somali Cable waxa uu kaga hadlay fikirkiisa cusub, kadib markii uu xilka waayay.

Shalay Maxamed Deyow ayaa shaqadiisa dhameystay, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu Madaxweyne Xasan ka siin doono Warbaahinta, inkastoo dadka qaar ay ku qanci waayeen.

“Sannado badan ayaan mucaaradka ku jiray. Markaan mucaaradka maku jirin, waxaan ku jiraa saxafadayda, mana jirto wax aan isku halleyn karo,” ayuu yiri Maxamed Deyow.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida dowladda ay u shaqeyso, uuna rajeynayo in ay wax weyn ka badali doonto dalka.

“Waan ku faraxsanahay siyaasadda iyo sida uu madaxweyne Xasan Sheekh wax u wado. Waxaan rajaynaynaa in uu dalka u keeno isbedel wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dawladda waanu ku taageersanahay xil iyo mid la’aanba, waanan ku guulaysan doonaa si wada jir ah haddii Illaahay yidhaahdo”.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay shuruucda dalka iyo sida ay wax u socdaan, wuxuuna qabaa inay dhici doonto doorasho ay dadku dooranayaan cidda ay doonayaan inay hoggaanka u qabtaan.

Deyow ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u jeclaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageeradooda ku muujiyay baraha bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale la doortay May 15, 2022.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles