Deg deg, Mudanayaasha baarlamaanka labad gole oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles