Destiny Udogie Oo Seegaya Inta Kadhiman Xagaaygaan, Cancelo Oo Kacabanaya Comments-leyda Iyo Qodobo Kale

Destiny Udogie Difaaca Garabka Bidix Ee Tottenham Iyo Xulka Italy Ayaa Seegaya Dhammaan Inta Kadhiman Xilli Ciyaareedkaan Kadib Dhaawac Soo Gaaray Dartiis.

Wuxuu Sidoo Kale Seegi Doonaa Ciyaaraha Euro 2024 Ee Germany Lagu Qaban Doono Kaasoo Uu Matali Lahaay Xulkiisa Italy Wuxuuna Maqnaan Doonaa Ugu Yaraan 3 Bil Sida Wararka Qaar Sheegayaan Soo Laabashadiisa Ayaa Ku Aadan Bilaawga Xagaayga Soo Socdo .

Difaaca Garabka Midig Ee Kooxda Barcelona Iyo Xulka Portugal Ayaa Ka Cabanaya Faallooyinka Xun Xun Ay Dadka Qaar Kabixinayaan Rajada Gabadhiisa Kujirta Caloosha Xaaskiisa Taasoo Ay U Rajeynayaan Dhimasho Waxaana Ay Arrintaas Tahay Mid Haliis Ah Oo Xanuun Badan .

Asigoo Kahadlaya Arrintaasna Wuxuu Yiri “Waxaa Jiraan Faallooyin (Comments) Kuwaasoo Rajeynayaan Dhimashada Gabadheyda Taasoo Dhalan Doonta, Horteyda Maka Dhihi Karaan Laakiin Faallooyinkooda Ayey Ku Caayeen Xaaskeyga Iyo Cunugteyda Aanan Dhalanin”.

Wuxuu Kusoo Qatimay Hadalkaan ” In Dhimasho Loo Rajeeyo Cunug Dhalaneyso Waa Arrin Aad Iyo Aad Haliis U Ah”.

Macalin Simone Inzaghi Oo Ah Macalinka Leyliya Kooxda Inter Milan Ayaa Lagu Wadaa Inuu Baaqi Kusii Ahaado Kooxda Inter Milan Fasalka Soo Socda Ayadoo Ayjirto In Lala Xiriirinaayo Shaqada Liverpool Xagaayga Soo Socda Inuu Qabto Kadib Bixitaanka Klop .

Steve Zhang Oo Ah Madaxa Kooxda Inter Milan Ayaa Xaqiijiyey In Inzaghi Uu Joogayo Inter Milan Wuxuuna Yiri Sidaan” Gabi Ahaan Arrintaas Shakki Kuma Jiro Siwadajir Ah Ayaa Usii Shaqeyn Doonnaa, Isaga Waa Macalinka Kuhaboon Inzaghi Halkaan Ayuu Joogi Doonaa Isagoo Ah Qeyb Kamid Ah Furaha Qorshaheena”.

Rudiger Iyo Imaanshihiisa Madrid .

Antonio Rüdiger Wuxuu Real Madrid U Ahaay Saxiix Aan Caqligal Aheynin Maadaama Ay Kuheleen Beeca Xorta Ah Xagaaygii 2022 Markaas Uu Kasoo Tagay Chelsea Oo Markaas Xaalad Kala Wareeg Ah Galeysay .

Wuxuu Diiday Dhoor Kooxood Asigoo Madrid Free Ugu Biiray Wuxuu Keyd U Fadhiistay Èder Militão  Iyo David Alaba Wuxuu Yeeshay Dulqaad Ilaa Iyo Xad Ah Asigoo Helaayey Waqti Xadidan Oo Uu Garoonka Soo Gali Jiray Marwalbo Wuxuu Ahaay Mid Caawiya Kooxdiisa Madrid Asigoo Qolka Labiska Ka Ahaay Dhiiro Galiye .

Sabar Dheer Kadib Hadda Wuxuu Noqday Shaqsiga Labaad Ee Ugu Safashada Badan Kooxda Real Madrid Xilli Ciyaareedkaan Wuxuu Noqday Hogaamiye Dabiici Ah Oo Kooxda Furdaamiya Waqtiyada Cariiriga Ah Ugu Danbeynna Wuxuu Noqday Mid Dhaliya Rigooradii Ugu Danbeysay Ee Lagu Go’aamiyey In Real Madrid Ugu Soo Gudubto Wareega Semifinal-ka Koobka Champions league Taasoo Uu Kadhaliyey Man City.

Wuxuu Qaadanayaa Season Aad U Qurux Badan Asigoo Kafaa’iideystay Dhaawacyada Ay Inta Badanaa Fasalkaan Kumaqnaayeen Èder Militão Iyo David Alaba 🙌.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles