DF Soomaaliya oo u diyaar garoobeysa diyaar garoow cusub Dagaalka Al-shabaab ( Sawiro )

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa yimid deegaanka Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye Dayax ayaa booqday Afgooye, waxaana salaan sharaf ka qaaday saraakiil uu ka mid yahay Taliye G/Sare Warsame Maxamed Diiriye. Waxa ay tuseen Taliye Dayax saldhigyada kala duwan ee ciidamada qalabka ay kaga sugan yihiin degmada.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa doonaya in ciidanka xoogga dalka ay u diyaar garoobaan howl weyn oo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab ka baxiyaan meelaha ay ka heystaan Shabeellaha Hoose.

Taliye Dayax waxa uu u diyaar garoobayaa dagaal weyn oo lala galayo al-shabaab.

Go’aankan ayaa loo sababeynayaa in shacabka la dagaalamaya Al-shabaab aysan sidii hore u socon. Taasi waxay fursad u siisay Al-Shabaab in ay isku soo baxaan oo ay mar kale sii xoogaystaan.

Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanadii lagu dagaalamay, waxaana ciidamada ay horay uga soo furteen askar kale. Ciidanka ayaa ka tagay deegaano dhowr ah waxaana la wareegay Al-Shabaab oo marar badan weeraro ku qaaday xerooyinka ciidamada.

Markii hore dagaalku si wanaagsan buu u socday, kooxduna waa sii wiiqmaysay. Laakiin hadda arrimuhu waa ay gaabis noqdeen. Waxaan rajeyneynaa in tamarta cusub ee la geliyo dagaalka ay ka dhigi doonto mid degdeg ah.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles