Dhaalkow Is Dhiibi Maysidee, Dhaliisha Wax Dhisaysa Keen!

Nin ka mida maalqabeennada iyo halabuurayaasha ganacsi ee dunida ugu waaweyn oo magaciisa la yiraa Warren Buffett waxaa laga diiwaangeliyay ooraah aad loo xigto marka la darsaayo maaddada Xiriirka Dadweynaha. Waxa uu yiri: “in sumcad la dhiso waxay kugu qaadataa 20 sano, halka in isla sumcaddaas la burburiyana ay ku filan tahay shan daqiiqo. Haddii aad xaqiiqadaas ku talogasho, waa in aad u fekertaa si ka duwan sida aad hadda u fekerayso”.

Guud ahaan maaddada Xiriirka Dadweynaha waxa ay ku wareegataa udub-dhexaad ujeedkiisu yahay dhisidda sumcad qofeed ama mid hey’adeed, iyo dhowrista sumcaddaas ka dib marka la soo dhiso. Waxyaabaha lagu dhowro waa isla waxyaabihii lagu soo dhisay. Haddiise wixii aad ku soo dhistay aad illowdo, dhowrista kuu ma fududa. Waxaadna ku dambeynaysaa inaad, sida uu Buffett yiri, shan daqiiqo ku weydo wixii aad sannado ku dhistay.

Tusaalaha haddii aan Soomaaliyeeyo, waxaan si fiican u xasuustaa waqtigii la waday ololahii uu Madaxweyne Xasan kursiga ugu soo laabtay sidii dadaalka loo geliyay qancinta bulshada, iyadoo loo marayay istaraatiijiyado warbaahineed iyo kuwa Xiriirka ah oo dhamamaantood wada beegsanayay beeninta dacaayadihii Madaxweynaha ka dhanka ahaa. Maanta oo uu duqu xukunka joogana waxa ay u eg tahay in isla wixii uu “beenintooda” waqtiga ku soo bixiyay bulshadii dib loogu dhex faafinayo.

Madaxweynow aragtida keliya ee ay mid ku diiddan iyo mid guushaada raba isku raacsan yihiin waa in markaad xukunka tagtay aad “camalkaagii hore dib ugu noqotay”. Laakiin qolada ku diiddan waxa ay camalkaas aad ku noqotay ku sheegaan “dhac, boob iyo fashil”. Aniga iyo inta weli guushaada rajo ka qabtana waxaan camalkaagaas aad dib ugu noqotay u aragnaa hoggaaminta ku dhisan “Taada qabo, toodana u daa– laissez-faire”.

Waxa aad mar kale yaraysanaysaa ra’yalcaamka, natiijadana waxa ay noqotay in maanta [wax kaleba daaye], aad reer Muqdisho ku kasban weydo isbeddelka amni ee magaalada ka jira iyo sida hagar-la’aanta ah ee aad dhankaas uga shaqaysay.

Weli fursad ayaad heysataa ee dadkaaga iyo adiga yaan la idiin kala sheekeyn. Xasuuso wixii dadaal kaa soo galay kasbashada bulshada. Hana illoobin in mugdiga oo lagu shaqeeyo ay ku dhaxalsiisay inaad dawladnimadii aad dhistay ay kuu shafeeci waydo, oo shacabkii aad u soo adeegtay ay kaa qunsadaan rag iyaga oo hal boorso wata dalka u soo shaqo-doontay.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles