Dheel siyaasadeedka cusub: Damaca Farmaajo, Riyada Shariifka iyo Ufiirsashada qeybaha kale ee Mucaaradka (Warbixin)

Kadib dib usoo laabashada dalka ee Madaxweynihi hore ee Farmaajo, ayaa waxa bilowday dhaq dhaqaaq siyaadeed oo cusub kaasi oo saldhig uyihiin Farmaajo iyo Shariif iyadoo sidoo kale ee doonayaan iney sameestaan xulufo siyaasadeed.

Sheekh Shariif oo mar soo noqday madaxweynahi dalka ayaa aaminsan suuragalnimada in ladhiso shabakad ee ku mideesan yihiin siyaayiinta mucaaradka ah oo kujiro madaxweynihi hore ee dalka mudane Farmaajo.

Shariif oo lagu tilmaamo siyaasi hadal yaqaan qunyor socod ah ayaa dhanka kale la aaminsan yahay in qorsha siyaasadeedkiisa cusub uu noqon karo mid galaafta mustaqbalkiisa siyaasada kaasi oo hoos dhac xoogan kuyimid tan iyo marki uu ku fashilmay inuu dib ugu soo laabto hogaanka siyaasada dalka.

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa iyaga ilaa iyo hada si taxadir leh uwada dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyagoo dareensan iney adag tahay iney dhisaan shabakad mucaarad ah oo kalsooni kadhaxeyso bacdamaa inta ee talada dalka hayeen ee aad ukala fogaadeen dhamaan siyaayiinta kasoo horjeeday maamulkoodi.

Dhanka kale siyaasiyiinta mucaaradka oo ee kamid yihiin Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa wararka laga helayo xafiisyadooda sheegayaan ineysan wax qorshe ah ugu jirin wada shaqeyn ee layeeshaan kooxda Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland mudan Deni oo isagana la rumeesan yahay inuu noqon doono mid kamid ah siyaasyiinta ugu xoogan ee mucaaradka ku ah dowlada Xasan Sheekh ayaa waxa loo arkaa inuu yahay siyaasi gooni utaagan balse wax la qeybsan karo siyaasyiiinta mucaaradka marka lagareeno kooxda madaxweynihi hore ee Farmaajo oo ee si aad ah ukala fogaadeen.

wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles