Dil lagu fuliyay nin horay udilay Hooyadiis.

Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ee maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in dil qasaas ah lagu fuliyay nin gacan kudhiig la ahaa oo hore udilay hooyadii dhashay.

Maxkamadda Darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ayaa xukunkaan dilka ah ku fulisay ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaasoo dilka hooyadiis si bareer ah ugu adeegsaday toorey, kadib muran la sheegay inuu soo kala dhax galay isaga iyo hooyadiis.

Ninkaani ayaa ahaa qurba joog dalkana dib loogu celiyay kadib marki waalidkii ee u arkeen inuu yahay nin ubaahan tarbiyeen.

Dadweyne aad ufara badan ayaa kasoo qeybgalay qasaasta ninkaani isla markaana soo dhaweeyay fulinta xukunki hore loogu riday.

Dhacdada argagaxa leh ee ee ninkani hooyadii hore ugu dilay ayaa gil gishay dhamaan Soomaalida, hasa yeeshe waxa jiro qeybo kamid ah bulshada oo soo jeediyay in ninkaani xanuunsan yahay una baahan yahay daryeel caafimaad, halka lagu fulin lahaa dil toogasho ah.

Wadamada qaar ee dunida gaar ahaan wadamada reer yurub ayaa waxa ee sameeyaan baaritaan la xiriiro caafimadka qofka kahor inta aan loo xukumin danbiyada uu geestay, iyadoo hadii uu caafimaadkiisa taam aheen lageeyo isbitaal iyo hay’adaha kushqada leh, isla markaana aan loo geesan wax ciqaab ah.

 

Warsheekh – Kismaayo

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles