Doorashada UK: Caafimaadka iyo Qiimaha nolosha oo saameen xoogan kuleh Soomaalida Ingiriiska

Iyada oo lagu wado doorashada guud ee dalka UK in ay dhacdo maalinta Khamiista 4ta July ayaan qormadan ku eegi doonaa, Nidaamka Caafimaadka Qaran ee UK (NHS) iyo sare u kaca Qiimaha Nolosha , labadan qoddob oo muhiim u ahaa amaba ka dhex muuqday ololaha doorashada xisbiyada ku tartamaya doorashada UK.

Haddii aan ku hormarno arimaha caafimaadka iyo waqtiga dheer ee ay muwaadiniintu sugaan ballamada caafimaadka, xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn midkoodna weli ma dejin qorshayaal lagu qanci karo oo ku saabsan sida ay u hagaajin lahaayeen NHS-ta, ayay tiri hay’ad arrimaha cilmi-nafsiga hormuud u ah.

Hay’addan caafimaadka ayaa sheegtay in mashruuca kharashaadka ee waqtigan ay u muuqato £38 bn in ay ka hooseeyso England sannadkiiba, hoos u dhac ku yimid inta loo baahan doono ilaa iyo dhamaadka baarlamaanka soo socda.

Hay’ad xagga ra’yi ururinta ah ayaa sheegtay in taasi ay khatar gelin doonto qorshayaasha ay ka midka yihiin wax ka qabashada dib u dhac ku yimaada NHS, hagaajinta daryeelka dhaqaatiirta qoyska (GP) iyo dib u dhiska isbitaalada.

Tusaale ahaan Xuseen Jaamac oo ah Soomaali deggan London waxa uu BBCda u sheegay in ballantiisa caafimaad uu sugayey muddo ka badan laba sano si uu arko dhaqtarka taqasuska ee qaabilsan cunaha iyo dhegaha. “ Markii aan arkay dhaqtarka lana ogaaday cillada cudur ahaaneed ee i hayso , waxa ay haddana igu qaadatay muddo laba sano oo kale ah in aan sugo qalliinka loo yaqaan qalliin maalmeedka (Day Surgery) oo qofka lagu sameeyo qalliinkaas, uu isla maalintiiba aadayo guriga”. ayuu intaasi ku daray.

Xisbiyada Labour iyo Conservative midkoodna ma sheegin inta ay ku maalgelinayaan NHS-ta, halka xisbiga Liberal Democrats ballanqaadkiisu uu aad uga yar yahay waxa ay Hay’ayadda caafimaadku sheegtay in loo baahan yahay.

Xisbiga Shaqaalaha ayaa ballan qaaday haddii uu xukunka qabto in waqtiga sugitaanka ballamaha caafimaadka uu yareyn doono oo uu ka dhigi doono18 usbuuc gudahood, badi bukaannada NHS-ta ee England muddo shan sano gudahood ah. Isaga oo sii faahfaahinayey arinkan waxa uu sheegay in ay ku jirto saacado badan oo dheeri ah in NHS ay shaqeyso iyo in si weyn looga faa’ideysto adeegga caafimaad ee gaarka loo yeehay.

Caafimaad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maxaa Sababay Sare u kaca Qiimaha Nolosha?

Xisbiga Conservative ayaa markii u xilka qabtay 14 sano ka hor waxa uu la yimid barnaamij gunti giijin ah oo lagu sameeyay dhaqaalaha dalka kaas oo marba marxalad soo marayey , waxaana la dhimay qarashaad badan oo lagu kabi jiray adeegga bulshada taas oo saameeyn ku yeelatay adeegyo ay ka mid yihiin nidaamka caafimaadka NHS iyo nolosha dadka saboolka ah, mid ka mid ah tallaaboyinkaasi qarash dhimidda ah waxaa ka mid ah in qoysaska ay dowladdu siiso lacagaha kabka ah laga dhigay in la siinayo, kaliya labada canug ah ee ugu horreeyso qoyska, sharcigaas oo ka bilawday marki uu dhaqan galay sanadkii 2017kii.

Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay mid ka mid ah sababaha sare u kaca kharashaadka Nolosha iyo dhibaatada ku timid, sababta oo ah waddamo badan oo Yurub ah ayaa Ruushka ku tiirsanaa gaar ahaan saliidda iyo gaaska, kuwaas oo loo isticmaalo korantada, gaadiidka iyo kaabayaasha.

Ukraine sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu weyn, wax dhoofinta ee Yurub xagga wax soo saarka beeraha, oo ay ku jiraan sarreenka iyo saliidda gabbaldayaha.

Dagaalku waxa uu ka dhigan yahay in sahaydii ka imaanaysay Ruushka iyo Ukraine ay gaabis noqdeen ama ay gebi ahaanba istaageen, sidaa awgeed dalalka sida UK oo kale ayey tahay in ay helaan habab kale oo ay ku heli karaan alaabtan.

Tani waxay keentay in ay kororto baahida alaabooyinka aan hadda sida ballaaran loo heli karin, waxayna si qaaliyeeysay badeecadaha qaarkood oo ay ka dhigtay mid aad u qiimo badan, sidaas darteed ay qaali tahay iibsashadeeda.

Khubarada ayaa sidoo kale tilmaamay wixii ka dambeeyay masiibada Covid-19, shaqaale yaraan, iyo isbedel ku yimid sida UK ula ganacsato wadamadda kale, ka dib ka bixitaankii yurub ee Brexit.

Goorma ayuu Sicir bararka hoos u dhacayaa?

Qiimaha nolosha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Warka wanaagsan ayaa ah in sicir-bararka uu mar hore hoos u dhacay.

Bishii Oktoobar 2022 sicir-bararka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo 40 sano ah 11.1%.

Laakin markii lasoo gaaray Janaayo 2024, Xafiiska Tirakoobka Qaranka ayaa sheegay in sicir-bararka uu wax ka badan kala bar noqday 4%.

Xisbiga Talada haya ee Conservative waa mid ka mid ah guulaha uu sheegto in uu xakameeyay sicir bararka, sidaasi darteedna uu isagu yahay kan lagu aamini karo dhaqaalaha dalka.

Laakin inkasta oo uu sicir bararku hoos u dhacay taasi macnaheedu ma aha in ay dhamaatay dhibaatada kharashka Nolosha.

In kasta oo sicir-bararka uu hoos u dhacay wax badan, macnaheedu ma aha in qiimuhu hoos u dhacayo – waxay la macno tahay inay weli ay kor u kacayaan, laakin aanay si dhaqso leh ugu kaceynin.

Rishi Sunak wuxuu sheegay inuu doonayo “inuu dhiso bulsho wax haysata”, laakin wuxuu qirtay in lahaanshaha guri, ay noqotay mid aad u adag, wareysi uu BBC-da siiyay ka hor inta aan lasoo bandhigin barnaamijka siyasadeed ee Xisbigiisa muxaafadka ee doorshada ay ku galayaan, waxa uu dejiyay yool hammi leh oo ah in uu ku dhiso 1.6 milyan guri gudaha Ingiriiska muddo shan sano gudahood ah. Si kastaba ha ahaatee, ballan qaadyadii hore ayaan si joogto ah loo gaarin. Welina waxaa taagan ciriiriga helitaanka guryaha ee England.

Si kastaba há ahaatee balanqaadyada xisbiyadda siyaasadda ayaan sida ay tahay u fulin marka ay xilka ku guuleeystaan, taas oo dhibaato ku noqota, marka xiga ee la gaaro olole kale oo doorasho. Tusaale ahaan doorashadii sanadkii 2010kii, xisbiga Liberal Democrats oo ka mid noqday dowladdii wadaagga ahayd ee ay wada dhiseen xisbiga Conservative-ka ,waxa uu ka baxay ballantii uu ardayda jaamacadaha ka qaaday taas oo ahayd in aan la kordhin doonin qiimaha lacagta jaamacadaha oo markaas ahayd £3000 sanadkii , hása yeeshee taasi ma aanay fulin oo waxa ay gaarsiiyeen qiimaha jaamcadaha lagu dhigto £9000 sanadkiiba .

Ballan ka baxaas waxa ay Xisbiga Liberal Democrats, oo uu hogaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore, Nick Clegg, ay ku keentay natiijadii ugu xumeyd markii la gaaray doorashadi xigtay ee 2105kii, tan iyo markii la aasaasay xisbiga1988, iyagoo lumiyay 49 ka mid ah 57 kursi oo uu ku jiray kursigii hoggaamiyaha xisbiga ahaana Ra’iisul wasaare ku xigeenka Nick Clegg.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles