Dortmund Oo 10 Sano Kadib Markale Iska Xaadirisay Wembley(Falanqeynta Kulankii Caawa)

Kulan Miisaanka Culus Ah Ayaa Goordhaw Kusoo Idlaaday Garoonka Parc Des PrincesĀ  Ee Paris Saint-Germain Kulankaas Oo U Dhaxeeyey Kooxaha PSG Iyo Borussia Dortmund Kaasoo Katirsanaa Lugta Labaad Ee Semifinal-ka Champions League Kuna Soo Dhamaaday 0-1 Oo Ay Kubadisay Kooxda Reer Germany Ee Dortmund.

PSG Marki Labaad Ayey Waji Gabax Kala Kulantay Dhigeeda Borussia Dortmund Ayadoo Lugti Hore Ee Signal Iduna Park Lagu Soo Garaacay 1-0 Hadana Isla Natiijada Waxaana Ay Sababtay In Ay Kaharaan Champions league Sidaasna Dortmund Ugu Gudubtay Final-ka Koobka Oo Ay Wembley Iska Xaadirin Doonto 10 Sano Kadib Markii Bayern 2-1 Ugu Qaaday Isla Koobkaan Habeen Danbana Bayern Iyo Real Tii Soo Baxdo Aay Kusugeyso Wembley.

PSG Waa Koox Uciyaarta Maxaa Taqaanaa Hadii Dhinacyo Badan Laga Fiiriyo MalahaĀ  System Isku Toosan Oo Loogu Hagaago Qofkasta Iyo Hortiisa Uu Isaga Ciyaaraa Taas Ayaana Badanaa Sababta In Kulamo Nuucaan Ah Oo Iska Sahlan Uu Dhibaato Kunoqdo Islamarkaana Haraan Ayagoo Final-ka 2 Kaliya Kaxigtay Inta Uusan Hummles Kadhalin Kahor.

Dadaal Waa Sameeyeen Balse Dadaalkooda Wuxuu Ahaa Sida Ciyaalka Xaafada Cml Maba Umaleysid Koox Ciyaareyso Semifinal Champions league Waxaana Caawa Loo Sheegay In Uu Udhimanyahay Biseyl Badan Marka Lajoogo Heerarkaan Oo Kale Oo Aanan Garoonka Lala Imaanin Bilaa System.

Marki Aad Fiiriso Dortmund Waxa Ay Heysatay Fursad Guul Ah Qaab Difaac Ah Oo Weerar Gaadmo Kudhisan Ayey Ciyaareysay Iyo Raacasho Adag Oo Cag Cagta Ka Agdhaw Balse aanan Zaa’id Aheynin Sidaasna Natiijada Ayey Kuheleen Waxaana Ay Heleen 3 Shuut Oo Goosha La Beegsadeen Hal Madax Oo Kamid Ah 3-daasna Waa Dhashteen .

Dhanka PSG Waxa Ay Sameeyeen 5 Darbo Oo Ay Goosha La Eekteen Hal Xattaa Kama Aysan Dhalinin Inkastoo Laba Jeer Birta Kaga Dhacday Vitinho Iyo Mbappe Balse Kubadooda Wax Gool Ah Kama Soo Dhadhameynin Wuxuu Iska Ahaay Kaliya Weerar Bilaa Natiijo Ah Sidaasna Wuxuu Sahal Kulanka Ugu Noqday Dortmund Oo Caawa Bandar Jiifaan Ayagoo Markale Iska Xaadiriyey Wembley Stadium Hambalyo Ayaa Leenahay Jamaahiirta Wadatay Dortmund.

Waxaan Sugnaa Waa Habeen Dambo Real Madrid Iyo Bayern Munich Hadii Alle Idmo .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles