Dowlada Jarmalka oo soo saartay Liiska Soomaalida halkaas kudhalatay & kuwi kudhintay

Sanadkii 2022 waxaa dalkan Jarmalka ku geeriyooday 60 qof oo Soomaali ah. (44 nin iyo 16 dumar) Ilaahay SWT ha u wada naxariistee. Sanadkii ka horeeyay ee 2021 waxaa isla dalkan ku geeriyooday 61 qof oo Soomaali ah (45 nin iyo 16 dumar) Ayagana Ilaahay SWT ha u naxariisto.

Dhanka ilmaha Soomaaliyeed ee Jarmalka ku dhashay. Sanadkii 2022 waxaa dalkan ku dhashay 1,694 ilmo Soomaaliyeed ah. (Ilmo Soomaali ah dowladda marka ay dheheyso waxay ka wadaa ilmaha ay hooyooyin Soomaaliyeed dhaleen). Ilmahaasina waalidiintooda waxaa inay is qabaan ahaan dowladda ugu diiwaan gashnaa 209 waalid. 1,485 waalid oo kuwa ilmahaasi dhalay ahna ma aysan ahayn kuwa is qaba marka loo eego sharciga dalkan u yaalla. (Suura gal inaanan guurkooda la aqoonsaneyn, amaba qaar badan ayaga aysan rabin inay is qortaan iwm).

Sanadkii 2021 waxaa dalkan ku dhashay 1,682 ilmo Soomaaliyeed. Waalidiinta ilmahaasi dhalay 208 waalid oo kamid ah ayay u diiwaan gashneyd inay is qabaan. 1,474 waalidna inaysan isqabin ayaa u qorneyd.

Xisaabta 2023 weli ma aysan soo bixin. Laakiin caadiyan halkaasi waxaad ka dareemeysaa sanad walba in 60 Soomaali ah ay dalkan ku dhimato, Kun iyo bar caruur Soomaaliyeed wax u dhow ama gaarayana ay Jarmalka ku dhashaan.
Tirooyinkaas waa Soomaalida aanan weli dhalashada Jarmalka qaadan.

Habeen wanaagsan – Ahmed Kadiye

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles