Dowlada Kenya oo xirtay xuduudka ee lawadaago Soomaaliya (Warbixin)

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in mudo dheer uusii  xirnaan doono xuduudka ee la wadaago dalka Soomaaliya.
Kenya waxay sheegtay inay walaac ka muujinayso saameynta amni ee ka dhalan karta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo haatan gabaabsi ah.

Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo ayaa wareysi uu siiyay Nation Africa ku sheegay in qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

Hadalka Dr Omollo ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, iyo wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi.

Muddo 12 sano ah ayuu xiran yahay xuduudka labada dal.

Shir madaxeedka daneeyayaasha ayaa qiimeyn doona hawlgallada ka socda xuduudaha Kenya tobankii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aasaasay Guddiga Hawlaha Isku-dubbaridka Xakamaynta Xuduudaha, oo uu hadda guddoomiye ka yahay Dr Omollo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles