Liibaan Golcad oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska Milatariga Soomaaliya ayaa kamid noqday saraakiil iyo ciidamo ku geeriyooday dagaalka ciidanka dowladda iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Liibaan Golcad ayaa kamid ahaa sarkaakiisha hoggaaminayay howlgallo maalmihii ugu dambeeyay Alshabaab lagula dagaalamayay oo ka socday gobolka Shabeellada Hoose.
Sarkaalkan ayaa katirsanaa guutada 22-aad ee ciidanka Gungaar ee loo xilsaaray xasilinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa taliyaha howlgalinta ciidankaas.
Alshabaab ayaa looga qabsaday qeybo badan oo dhaca dhinaca xeebta ee gobolka Shabeelada Hoose.