Dowlada oo dagaal kala wareegtay Alshabaab deegaanada Xeebta dhaca ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Deegaano katirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa wararka laga helayo sheegayaan in dagaal xoogan oo halkaa kudhax maray ciidamo katirsan dowlada iyo kuwa Alshabaab.
Kooxda Alshabaab ayaa lagusoo waramayaa inay weerarka ku qaadeen farriisin ciidanka xoogga dalka ay ka sameysteen degaanadan oo maalmo ka hor laga saaray kooxda Alshabaab.

Liibaan Golcad oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska Milatariga Soomaaliya ayaa kamid noqday saraakiil iyo ciidamo ku geeriyooday dagaalka ciidanka dowladda iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Liibaan Golcad ayaa kamid ahaa sarkaakiisha hoggaaminayay howlgallo maalmihii ugu dambeeyay Alshabaab lagula dagaalamayay oo ka socday gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaalkan ayaa katirsanaa guutada 22-aad ee ciidanka Gungaar ee loo xilsaaray xasilinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa taliyaha howlgalinta ciidankaas.

Alshabaab ayaa looga qabsaday qeybo badan oo dhaca dhinaca xeebta ee gobolka Shabeelada Hoose.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles