“Hawlgalka koowaad oo lagu dilay ilaa iyo afar maleeshiyaad ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ay wateen. Hawlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Khawaarijta oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga ku lahayeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalada ay ahayeen kuwa si weyn loo qorsheeyay, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay lahaayeen kooxdu.
Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.