Dowlada Soomaaliya Oo Ka Laabatay Go’aanka Lagu Xirayay Xafiiska UNSOM balse latimid shuruud cusub?

Tan iyo marki ee soo baxeen wararka la xiriiro in dowlada Soomaaliya dalbatay in albaabada leesugu dhufto Xafiiska qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya UNSOM ayaa waxa ka falceliyay dhinacyo badan oo xiriir laleh arintaa.

Dawladda Soomaaliya ayaa ugu dambeenti  ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhanka kale dirtay fariin kale oo kadhigan UN-ka  in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Warqada cusub oo ay dirtay DF ayaa lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telfoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo Xassan Sheekh heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles