Dowlada Soomaaliya oo kajawaab celisay digniino kayimid Dowlada Mareykanka

Booliska Soomaaliya ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan.

Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdishu oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataah Aadan Xasan ayaa VOA-da u sheegay inay sugayaan ammaanka muwaadiniinta ciidaya, islamarkaana hadda aysan jirin qatar amni oo ay dareemayaan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles