Dowlada Soomaaliya oo shaaca ka qaaday Arimo laxiriiro weerarki Hotel SYL iyo Su’aalo aan wili jawaabo loo helin (warbixin

Madax katirsan dowlada Soomaaliya oo ee u horeeyaan taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa marki ugu horeesay si furan uga hadlay weerarki xalay lagu qaaday Hotelka sida weyn loo waardiyeeyo eeĀ  SYLHotel.

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa saddex saddex askari.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

ā€œKhawaarijta waxay 9:30 habeenimo weerar dhuumaleysi ah ku qaadeen hoteelka SYL, ciidanka nabadgelyada oo si deg deg ah uga jawaabaya saacada kadib wuxuu banaanka soo dhigay shantii Khawaarijta ahaa ee gudaha u gashay hoteelka SYL,ā€ ayuu yiri afhayeenka u hadlay Booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo uu sheegay in uusan cusleyn dhaawacooda, ayna lugahooda uga tageen goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda amni ee hoteelka iyo agagaarkiisa ay sidii caadiga aheyd kusoo laabaneyso, ā€œNabad-gelyo fiican ayaa jirta hoteelkii nabad weeyi, Xildhibaannadii iyo intii hoteelka daganeyd dib ayay ugu noq-noqonayaan.ā€

Booliska ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku gaareen hoteelka ay saacadaha badan ka dagaalamayeen, maadaama uu ku yaallo irrida Madaxtooyada Soomaaliya.

ā€œArrintaas baaris ayay ku jirtaa hayā€™addaha nabad-gelyada u xil-saaran oo sida ay wax u dhaceen baaristeedii waa la daba jooga. Xaaladda illaa hadda baaris ayay ku jirtaa dhacdaduna wey cusub tahay, waxa kasoo baxana saxaafada lala wadaagi doona.ā€

Habka weerarkaan loo fuliyay ayaa lagu tilmaamay mid fajiciso ah maadaama la ogyahay in halka weerarka kadhacay ee tahay goobta ugu amaanka iyo ilaalada xoogan ee dhamana hotelada Magaalada Muqdisho eena muhiim tahay in la cadeeyo qaabka ee koox katirsan Alshabaab halkaa ku tagi karaan.

 

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles