Dowlada Uganda oo siyaab leh uga hadashay mustaqbalka ciidamadooda ee Soomaaliya

Dowlada Uganda ayaa marki uga horeesay shaaca kaqaaday mustaqbalka ciidamadooda kusugan Soomaaliya kadib howlgalka TMIS.
Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howlgalka ATMIS ka dib.

“Uganda waxay halkan ku sugnaan doontaa qaab kasta oo ay tahay,” sidaas ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in Golaha Ammaanka ay weydiisteen inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aqbaleen.

Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.

Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u sheegay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dhacdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalabkooda.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles