“Dowlada Xamar in Alshabaab la dirirto waxa ee kajaceshahay dagaal ee lagasho Somaliland”

Madaxweyne Muuse Biixi oo Dowlada Federaalka ku eedyay iney Naceebka dowlada Somaliland uqabto oo kaweyn yahay dagaalka ee kula jiraan Alshabaab.
Madaxweynaha oo la hadlay qaar kamid ah shacabka Hargaysa kadib salaadii ciida, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab ka doorbido Somaliland iyo dowladnimadeeda.

“Xamar dadka jooga waxay ku leeyihiin, anaga Shabaabka na qarxihaya ayaa nooga dhow Somaliland oo la ictiraafo, hada waa walaalkay, waakii aan wax u geeyay, waakii aan sharfay, waana ka aan leeyahay walaal aynu kala garbaxno” ayuu yidhi  Madaxweyne Biixi.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay xidhiidhka u jarto waddankasta oo cilaaqaad fiican la yeesha Hargaysa, isaga oo sheegay in taasi anay ahayn wax u qurux badan dad walaalo ah.

“Wasiirkii shalay Gini xidhiidhka u jaray ee waliba sida wayn u faahfaahiyay, ayaa maanta ku leh Xamar waan ka go’ay oo meesha waxa lagu hayaaba waa qalad, markhaatiga ka wayn waa ayo” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen iyaga oo laba dowladooda Soomaalidii kalena ay noqdeen qaar gaar isu taaga iyo qaar dowlado kale ku biira, ilaa imikana anay Soomaalida kale isku dayin in ay darsaan waxa ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland anay colaad u haynin cidna, ee kali ah ay rabto shanta Soomaaliyeed oo walaalo ah, oo mid waliba ay dowlad gaar ah tahay.

Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa umuuqda mid kayara dabacsan hadaladi adkaa ee hore looga bartay xili eesan wax iska badelin siyaasada cakiran ee xiligaan udhaxeeso dowlada Somaliya iyo maamulka Puntland.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles