‘Dunida maanta ma aha mid ay beelo, gobollo iyo degaanno isbixin karaan’

Waa in ay ogaadaan madaxda haysa hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in halbeegga guushoodu yahay kartida ay u leeyihiin isku haynta dalka iyo dadka, iska jirka damaca gurracan ee shisheeyaha, ixtiraamka wixii heshiiska lagu ahaa, dhisidda kalsoonida iyo is aaminaadda bulshada iyo ka fogaanshaha xasarad iyo xiisad kicinta.

Way cadddeed, dhowr jeerna waan ka dignay tillaabooyinka ay bilihii dambe qaadayeen Madaxda dowladda federaalka in ay ahaayeen kuwo dadka iyo dadka kala geynaya, laakiin waxaan iyana dan Soomaali iyo mid Puntland toona ku jirin maciinsiga dowlad aan aqoonsanayn madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dunida maanta ma aha mid ay beelo, gobollo iyo degaanno isbixin karaan, balse dalal dhisan ayaa la liqayaa .

Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, xasilloonida yar ee la haysto waxaa tiir dhexaad u ahaa sharciyada siyaasadeed ee ku dhisan awood qaybsi iyo doorasho afartii sano mar la qabto, mar kasta oo ay labadaasi dheeliyaan waxaa halis gala geeddi socodkii dowlad dhiska ee nugaylka iyo gaabiska ahaa.

Waxaan ku talinaynaa in caqligu shaqeeyo oo qabka (ego), iyo damaca shakhsiga ah dhinac la iska dhigo, danta Soomaaliyeedna lagu raadiyo, tanaasul, dhimrin iyo dhega nugayl, dhabta la wajaho, lana garawsado duruufaha adag ee dalkeenna iyo dadkeenna ku xeeran, sida argagixisada, shaqo la’aanta, amni xumida, colaadaha, abaaraha, iyo in xil iyo masuuliyad loo hayo dal dadkiisu bar qaxooti iyo barakacayaal yahay, kaalmo shisheeye ku tiirsan, welina burbur iyo colaadihii sokeeye ka soo kabanaya.

 

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles