Enrique Oo Sii Huriyey Dagaalka Kala Dhaxeeya Mbappe Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Xaalada Mbappe Iyo Luis Enrique Ayaa Cirka Isku Sii Shareereysa Kadib Markii Uu Xalay Badal Ku Sameeyey Xiddigaan Kulan Ahaay El Classic-da France Kasoo U Dhaxeeyey Marseille Iyo PSG Kasoo Ay PSG Kusuldaartay Dhigooda 0-2 Kulan Ay Marti Ahaayeen .

Sida Caadada Aheyd Enrique Ayaa Markale Badalay Xiddigaan Daqiiqadii 65-aad Xilli Kooxdiisa Laheyd 1 Gool Kaliya Ciyaartana Aysan Meel U Dhicin Waxa Ayna Taas Muujineysaa In Enrique Uu Go’aan Ku Gaaray Inuu Xanuunjiyo Xiddigaan Kadib Go’aan Bareer Ah Oo Hore U Qaatay Oo Ah Inuu Kooxda Katagaayo Dhamaadka Seasonkaan.

Macalinka Oo Hadlay Ciyaarta Kadib Ayaa Yiri Sida Tan ” Dadka Go’aankeyga Iguma Raacayaan Waxbana Igama Galin Waa Caajis In Wax Isku Mid Lagu Soo Noq Noqo Isbuuc Walbo”.

” Anigaa Ah Macalinka Kooxda, Anigaana Go’aanka Sameynaya Isbuuc Walba, Waxaan Kooxda U Sameynayaan Sida Ugu Fiican Inta Karaankeyga Ah Illaa Iyo Maalinta Ugu Danbeyso Ee Halkaan” Sidaas Ayuu Kusoo Gaba Gabeeyey .

Rafael Leão Oo Sheegay Inuu Ku Faraxsanyahay AC Milan .

Xiddiga Reer Portugal Iyo Kooxda Milan Ayaa Cadeeyey Inuu Mustaqbalkiisa Yaalo Gigada Sansiro Kadib Markuu Sheegay Inuu Halkaan Ku Faraxsanyahay Islamarkaana Milan Ay Wax Badan U Qabatay .

Isagoo Arrintaas Kahadlaya Wuxuu Yiri “Heshiis Ayaa Kula Jiraa Milan Ma Ogi Mustaqbalka Waxa Dhici Doona Laakiin Milan Waa Gurigeyga”.

” Kooxdaan Waxa Ay Iga Caawisay Inaan Hormar Sameeyo Waana Kufaraxsanahay Halkaan Waxaana Doonayaa Inaan Wax Muhiim Ah Kula Guuleysto” Sidaas Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyey .

Madrid Ma Qorsheneyso In Endrick Amaah Kusii Dirto .

Kooxda Los Blancos Ee Madrid Ayaa Cadeeysay In Marnaba Uusan Qorshaha Ugu Jirin In Endrick Ay Ku Fasaxaan Amaah Kadib 1-da July Markuu Yimaado Gigada Santiago Bernabeu.

Sidoo Kale Madrid Ma Qorsheyneyso In Xattaa Ay U Dirto Juunyarka Kooxda Ee Castilla Wuxuu Toos Ugu Biirayaa Team-ka Koobaad Waa Sidaa Lagu Saxiixay Heshiiska Markii Aya Saxiixanayeen December 2022 .

Lunin Oo Qandaraas Cusub Saxiixaya .

Real Madrid  Ayaa Ku Kalsoon In Heshiis Kama Danbeysa Aay La Gaarayaan Goolhayahooda Adriy Lunin.

Madrid Waxa Ay Dooneysaa Inuu Kamid Noqdo Qorshaha Kooxda Xattaa Hadii Ay Sugayaan In Goolhayahooda Koobaad Ee Courtois Uu Wali Yahay Dooqa Koobaad Ee Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

Qorshaha Heshiis-ka Cusub Waa La Diyaariyey Waliba Laba Isbuuc Kahor Waxaana La Sugayaa Inuu Lunin Saxiixo Kaliya .

Xiisaha Zubimendi Ee Arsenal Iyo Bayern Munich.

Martin Zubimendi Ayaa Wali Baaqi Ku Ah Liiska Dooqyada Arsenal Ee Xilli ciyaareedka Soo Socda Sidoo Kale Wuxuu Kujiraa Liiska kooxda Bayern Oo Wali Sugeyso Suurtagalnimada Ah In Alonso Dhamaadka Xilli ciyaareedkan Ay Kadhigan Karaan Macalinka Badalaya Tuchel Ayadoo Alonso Uu Horeba U Sheegay Inuusan Katageyn Leverkusen Balse Bayern Wali Rajo Ayey Qabtaa .

Zubimendi Waa Mid Kamid Ah Dooqyada Ugu Waaweyn Ee Bayern Balse Wax Walba Waxa Ay Ku Xeran Yihiin Macalinka Mustaqbalka Ee Bayern Ee Fasalka Soo Socda .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles