Faah Faahin dheeri ah oo laga helay Shil Diyaarad oo kadhacay Garoonka Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil diyaarad oo kadhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Diyaarad lagu magacaabo Salaama Air oo wadday dad rakaab ah ayaa ku timid cilad sababtay inay u bixi waayeen lugaha, kadibna waxa ay ku degtay meel banaan ah oo kamid ah isla garoonka Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in shilkan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, waxaana haatan socda dadaallo lagu soo daabulayo dadkii shacabka ahaa ee la socday diyaaraddaasi.

Khasaaraha ugu badan ayaa ku kooban diyaarada oo cilad ay gaartay, majiro wali wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles