Faallo: Ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC)

Faallo: Ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) waxay fursad muhiim ah u siinaysaa Soomaaliya in ay kor ugu qaaddo maqaamkeeda caalamiga ah, saamayn ku yeelato wax ka jaangoynta siyaasadda amniga caalamka, iyo inay wax ka qabato si gaar ah caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ku horgudban Soomaliya iyo Dalalka Africa.

Halkan waxaan ku soo gudbinayaa falanqeyn ku saabsan faa’iidooyinka xubinnimada golaha amaanka ay dalkeena u leedahay iyo waxa ay tahay in ay Soomaaliya ay sameyso si loo gaaro faa’iidooyinkaas.

A. Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka:

1. Maqaamka Soomaaliya ee ku dhex leedahay caalamka oo sare u kacaya:
• Xubinimada golaha amaanka waxay sare u qaadaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay masraxyada caalamiga ah arintaa waxay inoo sahleysa in aan danaheena ka dhex fushano golahaan dhexdiisa.
• Mar hadii aan macno iyo Sharaf weyn ku dhexyeelano bulshada caalamka waxay arintaa inoo sahleysaa soo jiidashada maalgashiyo, gargaar baniaadamnimo iyo in taageero loo helo dadaalka loogu jiro gaarista Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah.

2. Saamaynta Arrimaha Amniga Adduunka:
• Xubin ahaan, Soomaaliya waxay door toos ah ku yeelanaysaa qaabaynta go’aannada la xidhiidha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, oo ay ku jiraan soo saarista go’aannada iyo waajibaad siinta hawlgallada nabad ilaalinta caalamigaa.
• Soomaaliya waxay u doodi kartaa soo saaridda go’aamo siyaasadeed oo taageeraya danaheeda amniga qaranka iyo kuwa qaaradda Afrika.

3. Awood Diblomaasiyadeed:
• Waxay Soomaliya siinaysaa fursad ay ku dhisato xidhiidh xooggan iyo heshiisyo laba geesood ah (bilateral) iyo mid dhinacyo badan leh (Multilateral), iyada oo ka faa’iidaysanaysa xubinimadeeda si loo gaaro faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale.

4. Isbahaysiyo:
• Soomaaliya waxay fursad u heleysaa in ay si dhow ula macaamisho quwadaha waaweyn ee veto power ka leh iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka, waxayna fursad u heleysaa abuurista iyo kobcinta xiriir diblomaasiyadeed oo horseedi kara la bahoobida iyo iskaashiyo istiraatiijiyadeysan oo la la yeesho wadamada awoodaha sare leh.
• Ka mid noqoshada golaha Ammaanka wuxuu kor u qaadi karaa saameynta Soomaaliya ay ku leedahay golayaasha kale ee caalamiga ah.

5. Kor u qaadida Awooda iyo Khibrada diplomacy yada wadankeena:
• Ka mid noqoshada golaha amaanka waxay Soomaaliya ka caawin kartaa helista khibrad diblomaasiyadeed iyo aragtiyada ay ku dhisanyihiin xiriirada iskaashi ee wadamada iyo hababka xallinta khilaafaadka.
• Hanashada waayo-aragnimadaasi waxay qiimo weyn u leedahay kor u qaadista siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka dawladnimadeena.

B. Maxaa Soomaaliya la gudboon oo ay tahay inay beddesho si ay fursadaan uga faa’iideysato:

1. Xoojinta shaqaalaha iyo Kaabayaasha Diblomaasiyadeed:
• In la tayeeyo aqoonta iyo khibrada shaqaalaha diplomacy yada, iyo in tiro ahaana la balaariyo kooxdeena fadhigoodu yahay New York f si ay ugu suurtogasho in ay si hufan ugu maareeyaan mas’uuliyaddooda xubinnimada golaha Ammaanka.
• In la tayeeyo aqoontada iyo xirfadaha safiirada soomaaliya u fadhiya dalalka muhiimka ah si ay u taageerooyin kala duwan ugu fadhiyaan hawl-galkeenaa caalamiga ah ee fadhigoodu yahay New York.
• iyo in dhaqaale ku filan la qoondeeyo howlgalka Soomaalida ee New York lana siiyo dhaqaalahaas si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

2. Dejinta Ujeedooyinka Siyaasadda arimaha Dibadda:
• In la dejiyo siyaasad dibadeed yoolal cad cad leh oo waafaqsan danaha qaranka soomaaliyeed iyo mas’uuliyadda caalamiga ah ee na saaran.
• In mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha ka tarjumaya caqabadaha iyo fursadaha gaarka ah ee Soomaaliya, sida amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

3. Horumarinta xasiloonida Gobolka:
• In si firfircoon looga qaybqaato hindisayaasha kor u qaadaya nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan wadamada Africa.
• Ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka iyo dadaallada nabad-dhisidda caalimigaa.

4. Kobcinta Maamul wanaaga iyo Xuquuqul Insaanka:
• ka dhaqangelinta Soomaaliya in dib-u-habayn baahsan lagu sameeyo hab dhaqanka dawladnimada, sharciyadaha, iyo xuquuqul insaanka, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida dadkeena dawladooduna taasoo horseedi doonta dhaqan wanaagsana oo waara.
• Wax ka qabashada caqabadaha amniga gudaha dalka, sida argagixisada, taasoo caalamka u muujin doonta sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalkeeda ka hor inta aan loo gudbin nabadda iyo xasiloonida dalalaka kale.

5. Dhisidda Isbahaysiyo Istaraatiijig ah:
• In looga faa’iideysto xubinnimadaan helista xulafo lagu dhexyeesho xubnaha joogtaa ee golaha amaanka, si Soomaaliya ay taageero joogto ah ugu hesho hindisayaasheeda Daleed iyo kuwo caalamigaaba.
• In mar kasta lala kaashado hindisayaasheena wadamada ay heysato caqabadaheena kuwo la midka ah si taageero loogu helo hindisiyaasha aan soo jeedineyno.

6. Awood Dhaqaale:
• Si dalka u gaaro isku filnaan dhaqaale waxaa muhiim ah in loo bandhigto xubnaha golaha amaanka fursadaha dhaqaale ee ka jira dalkeena, sida kheyraadka dabiiciga ah iyo goobta istiraatiijiga ah ee aan dhacno, arintaas oo keeni karta soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo iskaashi dhaqaale oo lala yeesho wadamada dhaqaale ahaan u hormarsan.

W/Q Maxamed Abtidoon.

 

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles