(Falanqeyn) Arsenal Oo Kabaxsatay Mashaqadii Spurs Cadaadiskana Ku Kordhisay City

Kooxda Arsenal Ayaa Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Dhigeeda Tottenham Hotspur Kulankii 35-aad Ee Horyaalka EPL Waxaana Ay Arsenal Gaartay Guul Dirqi Ah Oo  2-3 Ayagoo Marti Ku Ah Tottenham Hotspur Stadium.

Kulankaan Wuxuu Kamid Ahaa Kulamada La Saadaalinaayey Inuu Arsenal Kunoqonaayo Bir Islamarkaana Taako Loogu Dhigi Karo Maadaama Uu Yahay Derby Game Hadane Spurs U Hanqal Taageyso Usoo Bixitaanka Champions league Halka Arsenal Isha Kuheyso Sida Ay Usoo Afjari Laheyd 20 Sano Kadib Abaarta Horyaalkaan Kaheysata.

Kulanka Ayaa Kubilaawday Jawi Xamaasad Leh Waxaana Goolka Koobaad Iska Dhaliyey Højbjerg Kaasoo Hogaanka Udhiibay Arsenal Waxaana Ay Tottenham Waxyar Kadib Heshay Gool Barbara Ah Oo Uu Dhaliyey Daafacooda Van De Ven Balse Waxaa Loo Xisaabiyey Garab Dhaaf Intaas Wixi Kadanbeeyey Arsenal Ayaa Shaqadeeda Qabsatay Waxaana Ay Goolka Kudartay Mid Dheeri Ah Oo Uu Bukaya Saka U Saxiixay  Intaan Qeybta Hore Dhamaaninna Waxaa 3 Iyo Kadhigay Kai Havertz Laacibka Horyaalka Bilaawgiisa Ay Caaynayeen Taageerayaasha Arsenal.

Qeybta Labaad Ayaa Leysku Soo Noqday Markaasoo Arsenal Isdhigatay Waxaana Ay Kufikirtay In Ay Heysato Goolal Kufilan Balse Spurs Ayaa Soo Noolaatay Waxaana Goolka Daahfurka U Dhaliyey Cristian Romero Waxaana Ay Spurs Bilaawday In Ay Cadaadis Badan Saarto Arsenal Si Ay Deynta Isaga Gudaan Balse Dadaalka Ayaa La Dheeraaday Waxaana Ay Gaba Gabadii Ciyaarta Ay Heleen Gool Kale Kaasoo Xoogaha Wadnaha Jaray Taageerayaasha Arsenal Waxaana Dhaliyey Rigooradaas Son Spurs-na Goolkaas Waa Ku Filnaa Waayey Si Ugu Yaraan Ay Dhibic Meesha Uga Qaadato.

Arsenal Waa Koox Dhankasta Kadiyaarsan Sanadkaan Waxa Ay U Hanqal Taagayaan Ku Guuleysiga Horyaalka EPL Waxaana Ay Hogaanka Ku Haayaan 4 Dhibcood Oo Ay City Kahorreeyaan Ayadoo City Hadaba Soo Galeyso Waqtigaanne Ayba Macquul Tahay In Ay Socoto Hadii City Soo Badiso Farqiga 1 Dhibic Ayuu Noqonaa Caawa Balse City Kulan Kale Ayey Heysataa Oo Hadii Ay Badiso Hogaanka 2 Dhibic Kuqabaneyso .

Arsenal Galabta Shaqadooda Waa Qabsadeen Hadda Cadaadiska Wuxuu Saaranyahay Man City Oo Jawaab Laga Rabo Caawa Kulanka Hadda Waxyar Kahor Soo Galay Oo Ay Wajahayaan Nottingham Forest Oo Kacarareyso Heerka Hoose Martina Ay U Yihiin .

Taageerayaasha Gunners Hadda Ganabaradooda Ayaa U Yaalo Si Man City Ugu Adkeeyaan Hogaankana Uu U Noqdo Mid Rasmi Ah Halka Hadda Ay Kuhaayaan Si Kumeel Gaar Ah .

Tartankaan Waqti Xaadirkaan Labadaan Koox Ayuu Ka Dhaxeeyaa Oo Liverpool Marhore Ayey Buundada Kadhacday Bal Labadaan Yaa Isleedahay Waa U Qalantaa In Sanadkaan Qaado Horyaal Arsenal 20 Sano Kadib Ama Man City Marki Afaraad Xiriir Ah (Record Cusub ) Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles