Falanqeyn Kooban Oo Ku’aadan Tartanka Euro 2024 Ee Caawa Ka Furmaya Germany

Caawa Waxaa Furmaya Koobka Saddaxaad Ee Dunida Ugu Xiisaha Badan Ee Euro 2024 Kaasoo Lagu Qabanyo Dalka Jarmalka Ayadoo Caawa Lagu Daah Furaayo Wadamada Kala Ah Germany Oo Ah Martigaliyaha Tartankaan Iyo Xulka Scotland  Kulan Lagu Ballansanyahay Inuu Kadhaco Gigada Alianza Arena Ee Munich.

Koobkaan Ayaa La Qabtaa 4-tii Sanaba Halmar Waxaana Kaliya Ka Xiiso Badan Koobka Adduunka Oo Asigane 4-tii Sanaba Mar Laqabto Iyo Uefa Champions league Oo Sanadkasta Soo Taagan Balse Xiisahiisa Aanan Dhicin Marwalba .

Xulka Marti Galinaya Waxaa Ugu Danbeysay Inuu Koobkaan Qaado  28 Sano Kahor Markoodi Ugu Danbeysay Wuxuu Ahaay 1996 Waxaana Ay Sanadkaan U Hanqal Taagayaan In Ay Soo Afjaraan Abaartaas Dheeraatay Ee 28 Sano Jirsatay.

Xulalka Loo Arko In Ay Sanadkaan Ku Guuleysan Karaan Waxaa Kow Ka Ah France Waxaana Lamid Ah Xulka 3-da Libaax Labaxay Balse Koobkaan Waligood Aanan Ku Guuleysan Ee England Waxaana Kuxiga Xulka Marti Galinaya Ee Germany Halka Portugal Iyo Spain 4-aad Iyo 5-aad Ka Yihiin Kuwa Loo Arko In Ay Qaadi Karaan Koobkaan .

Xulkii Ugu Danbeeyey Ee Ku Guuleystay Koobkaan Waa Azuri  Kaasoo Kaqaaday 3 Lions England Sanadkii 2020 Sidaas Oo Aytahay Hadda Looma Arko Xulalka Ugu Cad Cad Koobkaan Wuxuuna Saadaalinta Kaga Jiraa Kaalinta 6-aad Hadii Dhinacyo Badan Laga Fiiriyo Waxaa Ladhihi Karaa Waa Isbadalka Badan Ee Kuyimid Xulkaas Iyo Bandhigooda Oo Aan Gaarsiisneyn In Ay 6 Dhaafaan Dhanka Saadaalinta Balse Ogaaw Waxaan Waa Un Saadaalin Kaliya Ayagaa Ku Ceshan Karaan Ama Mid Kale Oo Aan Saadaalinta Kaalmaha Hore Kaga Jirin Ayaa Qaadi Kara .

Dhanka Taariikhaha Xulalka Ugu Badan Ee Tartankaan Ku Guuleystay Waa Germany Iyo Spain Oo Min 3 Jeer Ku Guuleysteen , France Iyo Italy Ayaa Min 2 Jeer Ku Guuleysteen Halka Czech Republic Oo Leysku Dhihi Jiray ( Czechoslovakia), Denmark, Greece, Netherlands, Portugal Iyo  Russia Oo Ahaa Markaas (Soviet Union) Aay Ku Guuleysteen Min Haljeer .

Sanadkaan Tartanka Xiiso Gaar Ah Ayuu Leeyahay Xulal Badan Ayaa Usoo Diyaar Garoobeen Kuwaasoo Lasoo Shirtageen Ciyaartoy Ubadan Da’yar Oo Ay U Arkaan In Ay Ku Qaadi Karaan Tartankaan Xiisaha Leh Halka Qaar Kale Ay Lasoo Shirtageen Odayaal Iyo Dhalinayro Isku Daran Kuwaasoo Ay U Arkaan In Ay Kuqaadi Karaan Tartankaan Maadaama Qibrad Iyo Firfircooni Isku Heystaan.

Xulkee Ayaa Isleedahay Wuu Ku Guuleysan Doonaa Tartankaan Iyo Ciyaaryahaankee Ayaa Isleedahay Wuu Noqon Doonaa Gooldhaliyaha Ugu Sarreeyo Ee Tartanka Fikirkaaga Hoos Kusoo Qor .

Kulanka Goordhaw Soo Galaya Maxaa Ku Saadaalinee Xulkee Badinaya Laacibkeesa Dhalinaya Goolka Daahfurka Ee Tartanka Germany VS Scotland???

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles