Falanqeyn Ku’aadan United Oo Taako U Dhigtay Liverpool Islamarkaana Arsenal Hogaanka Kuwareejisay

Kooxda Man United Ayaa Taako Xanuun Badan U Dhigtay Dhigeeda Liverpool Oo Marti Ku Aheyd Gigada Old Trafford Kulan Xamaasadiisa Wata Oo Kusoo Idlaaday Barbaro 2-2 Ah.

United Waa Diiday In Kooxda Ay Xifaaltamaan Dhibcahooda Horyaalka 20-aad Ku Qaadaan Oo Ay Kusoo Bareejeeyaan Taasina Waa Waxa Ay U Yihiin Koox Weyn Oo Xisaabtan Taqaano.

Habacsanaan Farabadan Ayaa Kamuuqatay United Waliba Weerar Aan Xad Laheynin Ayaa Qeybta Hore Kusocday Oo Ay Liverpool Fursado Badan Oo Goolal Loo Sarrifi Karay Isaga Qasaariyeen United Adkeysi Ayey Muujisay Waxa Ayna Ka Faa’iideysatay Qalad Quansa Galay Kaasoo Uu Gool Caadi Ah Ku Sadaqeysatya Bruno Fernandes Oo Sadaqada Gool Caaqibo Leh U Badalay Kahor Inta Uusan Diaz Qeybta Hore Gool Dhalinin Caawin Uu Kahelay Nunez.

Mar Ay Ciyaarta Dhinac Badatay Ayey United Heshay Gool Bandhig Shaqsiyeed Ah Uu Dhaliyey Xiddiga Da’da Yar Ee Mustaqbalka Ifaayo Leh Ee Kobbie Mainoo Taasoo Ciyaarta Dhinac Kale U Rogtay Liverpool Waa Wareertay Waxa Ayna Gaba Gabadii Heshay Rigoore Uu Helay Elliott Waxaana Gool U Badalay MO Salah Sidaasna Ciyaarta Adkeyd Kusoo Idlaatay Barbaro 2-2 Ah .

United Hadda Horyaalka Waxa Ay Gacanta Kasaartay Arsenal Oo Farqiga Goolasha Kuhogaamineyso Ayagoo 71 Wada Wadaagaan Liverpool Balse 9 Gool Farqi Ah Ay Dheertahay Taasna Aytahay Jaanis Weyn Oo Arsenal Horyaalo Halka Dhinaca Kale Man City Aykujirto Gaadmo Maxaa Yeelay Labadaan 1 Dhibic Kaliya Ayey Ka Hooseysaa Waxa Ay Sugayaan Mar In Ay Kufaan Labadaan Si Ay Top-ka U Fuulaan.

Horyaalkaan Waa Kii Ugu Xiisaha Badnaay Mudadaan La’arko 7 Kulan Ayaa Harsan Waxaana Lakala Leeyahay 71 , 71 Iyo 70 Waxa Ay U Muuqataa Maalinta U Danbeyso In Leysla Gaari Doono .

Adiga Ahaan Horyaalkaan Xamaasadiisa Wata Kooxdee Qaadi Kartaa Isleedahay Farqiga Waa Goolal Iyo Hal Dhibic Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles