Falanqeyn Xiiso Leh Oo Ku Aadan Kulanka Caawa Lawada Sugaayo Ee Dortmund Iyo Madrid

Caawa Waxaa Fooda Isdaraya Laba Koox Oo Ka Kala Socda Germany Iyo Spain Kuwaasoo Kala Ah Borussia Dortmund Iyo Real Madrid Kuwaasoo Ku Hardamaya Ku Guuleysiga Koobka Dhagaweynaha Ee Champions League Oo Ay Labadooda Isugu Soo Hareen Kulan Weyn Ayaa Caawa Kadhici Doono Gigada Wembley Stadium Ee UK .

Labadaan Koox Ayaa Soo Kala Reebay Kooxaha PSG Iyo Bayern Munich Marxaladii Afar Dhamaadka Tartankaan Caawana Mid Ayaa Wadadi Labadaas Koox Mareen Laraacin Doonaa Waliba Mid Ka Xanuun Badan, Ayagoo Arkaya Ayaa Hortooda Lagula Dabaal Dagayaa Koobkaas Quruxda Badan Oo Kooxwalba Oo Yurub Katirsan Sanadwalba Kuhamiso .

Real Madrid Waa Boqorada Yurub Ee Kooxaha Maxaa Yeelay Koobkaan Wuxuu Unoqday Sida Horyaal Cml Oo Kooxda Kusoo Xigta Tartankaan Iyo Ayada Uu Udhaxeeyso Kalabar 14 Ayey Heystaan Halka AC Milan Oo Ah Tan Kusoo Xigta Aay Heysato 7 Kaliya, Caawana 15-aad Ayey Ku Rajaweynyihiin .

Dhanka Kale Borussia Dortmund Waxa Ay Ayadana Heysataa Kaliya Hal Champions league Oo Ay Kaqaadeen Kooxda Juventus Xilli Ciyaareedkii 1996-97 Markaas Kadib Halmarkale Ayey Final Imaadeen Waxaana Kaqaaday Bayern Munich Oo Aay Isku Wadan Katirsanyihiin Wuxuuna Ahaay Fasalkii 2012-13 Iyadoo Waqtigaas Uu Macalin U Ahaay Macallinka Weyn Ee Jugern Klop.

Madrid Xilligaan Casriga Ah Lama Arag Ayadoo Ku Guuldareysaneyso Tartan Final-ka Champions league Ah Hadiiba Aay Timaado Waa Ay Qaadeysay Waliba Kooxo Waqtiyo Quruxbadan Kujiraan Ayey Ka Qaadeysay Waxaana Aysameysay Record Ay Adagtahay In Koox Kale Sameyso Oo Ah  In 3 Sano Xiriir Ah  Champions league Laqaado, Ammaantaasna Waxaa Leh Zidane Oo Waqtigaas Macalin U Ahaay Kooxdaan.

Markii Ugu Danbeysay Oo Real Madrid Champions league Laga Qaado Waxa Ay Aheyd 1980-81 Oo Ay Liverpool Kaqaaday Waliba 1-0 Looga Qaaday, Waxaana Laga Joogaa Muddo 43 Sano Ah Markaas Kadib Waxa Ay Qaaday 8 Champions league Laga Soo Bilaabo 1997-98 Ilaa Iyo Hadda Waana Wax Aysan Kooxkasta Sameyn Karin .

Jamaahiirta Cad Cadka Todobaad Kahor Waxa Ay Sagootin Cajiib Ah U Sameeyeen Mashiinkooda Qadka Dhexe Ee Tony Kroos Kaasoo Waayo Qurux Badan Kusoo Qaatay Santiago Bernabeu Tan Iyo 2014  Ilaa Iyo Hadda Wuxuuna Go’aansaday Inuu Ciyaaraha Dhan Kafadhiisanyo Kadib Koobka Euro Walina Waa 34 Jir Kaliya Kulankii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Oo Ay Bernabeu Kuciyaarayeen Ayaa La Macsalaameeyey Balse Macsalaamadaas Quruxdeeda Caawa Ayey Kurajaweynyihiin In Ay Sii Naash Naashaan Hadii Uu Waqtigu U Saamaxo , Shaqsiyadiisa Wuxuu Heystaa 5 Champions League 4 Jeer Oo Real Laqaaday Iyo Hal Jeer Uu Bayern Laqaaday Waana Midkiisi Ugu Horreeyey Uu Qaado Champions league Ahaan Dortmund Ayuuna Kaqaaday Caawan Midkiisi Lixaad Uu Usocdaa Isla Borussia Dortmund Ayaa Uballansan Waxbaa Salag Leh Waaynu Ka Wardhooreynaa Waxa Dhaca .

Dhinaca Kale Jamaahiirta Dortmund Waxa Aay Ayagane Caawa Sagootinayaan Halyeeygooda Marco Reus Oo 12 Sano Kooxdaan Kusoo Qaatay Dhiigana Uhuray Sanadkiisi Ugu Horreysay Uu Kooxda Weyn Kusoo Biiro 2012 Ayey Aheyd Champions League  Ayaana Laga Qaaday Haddana Waa Sanadkiisi Ugu Danbeeyey Final-ka Champions league Ayuu Joogaa Talow Taariikhda Dib Miyey Isku Qori Doontaa Mise Ooyintii Hore Farxad Baa Kadanbeyn Doonta Waa Su’aal Jawaabteeda La Ogaan Doono Kulankaas Kadib .

Labadaan Kooxood Waxa Ay Iska Horimaadeen Tartamada Yurub 14 Jeer Madrid Ayaa 6 Jeer Badisay Halka Dortmund Ay Badisay 3 Jeer Kaliya Waxaana Ay Barbaro Galeen 3 Jeer, Dhanka Saadaalinta Waxaa Ubadan Sida Iska Cad Madrid Oo Koobkaan Ku Cad Cad Balse Wax Walba Waxa Ay Kala Cadaan Doonaan Marki Seeriga Uu Yeeriyo Dhaxdhaxaadiyaha Kulanka,  Koox Hebel Ayaa Ugu Cad Cadna Koob Laguma Qaado Waa Arkeynaa Kooxda Ku Guuleysato .

Adiga Ahaan Koooxdee Isleedahay Waa Aay Ku Guuleysaneysaa Koobkaan Aniga Ahaan Dortmund 1-0 Madrid Bal Adigane Saadaashaada Hoos Kusoo Qoro .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles