Falanqeynta Kulanki Arsenal Iyo Bayern Munich

Ciid Wanaagsan Dhamaan Muslimiinta Meelwalboo Joogtaan Kullu Caam Wa Antum Bikheyr Waxaa Caawa Ku Ciideysannay Kulamo Waaweyn Oo Indhaha Laga Qaadi Karin Oo Katirsan Wareega Sideed Dhamaadka Champions league Oo Aay Fooda Isdareen Real Madrid Iyo Man City Halka Arsenal Iyo Bayern Munich-na Fooda Isdareen.

Kooxda Arsenal Ayaa Gurigeeda Kusoo Dhaweysay Dhigeeda Bayern Munich Oo Taageero La’aan Ah Kulan Katirsan Champions league Wareegiisa Sideed Dhamaadka Waxaana Dhaxmaray Kulan Xamaasadiisa Wata Oo Labada Kooxba Tayadooda Kusoo Bandhigeen Gudaha Garoonka .

Sida Guud Waxaa Kulanka Ku Cad Cadaay Hadana Ku Gacan Sarreysay Arsenal Oo Sanadkaan Form Fiican Kujirto Islamarkaana Aay Adagtahay In Sifudud Looga Badiyo Balse Bayern Kama Liidano Kulanka Gudahiisa Ayagoo Marti Ah Ayey Barbaro 2-2 Ah Kasoo Qaateen Emirates Stadium Ayagoo Aan Wax Taageero Ah Wadanin Waxaana Kulankaan Adkaay Daah Furay Super Star-ka Arsenal Bukaya Saka Oo Caawin Kahelay Ben White.

Bayern Kuma Daah Daahin Waxaa U Bareejey Serge Gnabry Oo Caawin Kahelay Leon Goretzka Kadibna Rigoore Ayey Heleen Waxaa U Dhaliyey Harry Kane Oo 2-1 Kadhigay Kane Wuu Jecelyahay Arsenal 20 Kulan Kahor Imaaday 15 Gool Kadhaliyey Waxaa Arsenal Ciyaarta Kusoo Celiyey Leandro Trossard Oo Barbareeyey Munich Isagoo Caawin Kahelay Gabriel Jesus Sidaasna Kulankii Adkaay Kunoqday 2-2 Waxaana Lagu Ballansanyahay Alianza Arena 17-ka Bishaan Waa Meesha Lagu Kala Bixi Doono.

Bayern Sanadkaan Waa Kataalaa Uoryaalkeeda 16 Dhibood Looga Haayaa 99% Boqolkiib Leverkusen Ayuu Gacanta Ugu Jiraa Koobka DFL Pokal Cup Waa Kahartay Sagxadda Ayey Garaacee Rajada Kaliya Sanadkaan Ay Heystaan Waa Tartankaan Oo Ay Ishayaan Arsenal Oo Ah Hogaamiyaasha Horyaalka EPL Islamarkaana Dooneysa In Ay Isku Qaadaan Horyaal Iyo Champions league Halka Bayern Rabto MustaqbLkeeda In Ay Ku Badbaadiso Koobkaan Waxaana Markaan Jaanis-ka Fiican Heysato Bayern Oo Bareejo Kusoo Heshay Emirates Gurigeedana Wax Walba Lagu Go’aamin Doono Balse La’arki Doonee Waxa Dhaca .

  • Kooxdee Kulatahay In Ay Usoo Gudbeyso Wareega Xiga Ee Champions League Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles