Falanqeynta Kulankii City Iyo United

Kooxda Adduunka Ee Waqtigaan Man City Ayaa Cawadaan Dhulka Ku Jiiday Dhigooda Man United Oo Ay Yihiin Deris Wadaag Hal Magaalo Wada Dagan .

Kulan U Muuqday Inuu Qataato Noqonaayo Ayaa Qeybihii Danbo Xiddiga Sanadkaan Kacsan Foden Uu Fasax Dheer U Diray Mucaaradka Rajo Uga Jirtay In Kulankaan Wax Un Ay Ka Helaan Waxa Ayna City Kusuldaartay Dhigooda United Oo Marti U Aheyd Goolal Gaaraya 3-1 Kuwaasoo Ay U Kala Dhaliyeen Foden 2 Gool Iyo Haaland 1 Gool .

Guud Ahaan Maamulka Ciyaarta Man City Ayaa Heysatay Oo Qeybti Hore Gool Lagu Marsiiyey Kaasoo Ahaay Mid Caaqibo Leh Oo Uu Shabaqa Kuhubsaday Xiddiga Sanadkaan Ay Kadansantahay Ee Rashford Balse Taas Laguma Mahdin Man City Markasta Albaabka United Ayey Gar Garaaceysay Ayadoo Fursad Dahabi Ah Oo Gool Loo Sarifi Karo Uu Haaland Kaqasaariyey Dhamaadka Qeybta Hore Ee Ciyaarta.

Qeybta Dambo Ee Ciyaarta Waxkasta Ayaa Isbadalay Oo Cadaadiska Ayaa Kubadday Man United Illaa Ugu Danbeyn Bareejada Uu Ka Keenay Foden Kadib 70-meeyada Uu Gool Kale Oo Dahabi Ah Raacsaday Halka Haaland Uu Gool Sadaqo Ah Uu Kusoo Xeray Kulanka Ay Mucaaradka Isha Ku Haayeen Hurdana U Diray United.

Isku Soo Wada Duub United Wax Big Jaanis Ah Ma Aysan Abuurin Halka City Abuurtay 3 Jaanis Oo Waaweyn 8 Jeerna Shabaqa United Toogteen Ayadoo United Halka Mar Ay Toogatay Gool U Sariftay .

Hambalyo Ayaa Leenahay Citizen Guushaan Waa U Qalmeen Waliba Waxa Ay Gaabiga Ku Haayaan Liverpool Oo Ay Hal Dhibic Kahooseeyaan 10-ka March Ayeyna Anfield Kuballansanyihiin .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles