Falanqeynta Kulankii Liverpool VS Man City Ee 1-1 Kudhamaaday

Kulan Miisaanka Culus Ah Ayaa Wuxuu Ku Dhaxmaray Gigada Anfield Labada Koox Ee Liverpool Iyo Man City Kaasoo Kusoo Idlaaday Barbaro 1-1 Ah .

Labadaan Koox Ayaa Isku Heystay Cidda Isbuucaan Hogaamineysa Horyaalka Balse Waa Ay Isku Garab Dhaceen Taasna Waxa Ay Fursad U Siisay Arsenal Oo Shalay Kasoo Farxalatay Brentford Waxaana Ay Isku Dhibic Yihiin Liverpool Oo Ay Goolal Uga Hogaamineysaa 7 Gool Farqi Ah Ma Sahlano Waana Lagu Qaadaa Horyaal .

Inta Aan La Gaarin Kulanka Kahor Waxaa U Cad Cadaay Oo Dadka Badanaa Dhahayeen Man City Ayadoo Lagu Qiimeynaayey Form-ka Ay Waayadaan Kujirtay Halka Liverpool Aysan Kayareysan Balse Ciyaarta Marki Ay Bilaabatay Ayaa Wax Walba Isbadaleen .

Gool Koorno Lagu Xaday Liverpool Ayaa Waxaa Ka Dhaliyey Stones Asigoo Caawin Kahelaya K. Dbruyne Goolkaas Kadib City Jihada Ayaa Laga Qasay Maamulka Ciyaartana Waa Lagala Wareegay Balse Jaanis Marwalba Waa Heleysay Qeybta Hore Halka Liverpool Ayadane Jaanisyo Heshay Sidaasna Kaambiyo Lagu Kala Maray .

Qeybta Danbo Ciyaarta Kubad Uu Gadaal U Baasay Ake Ayaa Nunez Kaga Hormaray Goolhayaha Islamarkaana Uu Qalad aka Galay Ayadoo Xerada Ganaaxa La Joogo Sidaasna Rigoore Lagu Dhigay Waxaana Saxiixay Injineer Alex Mac Alister Markaas Wixii Kadanbeeyey Jawiga Anfield Ayaa Wada Kacay City-na Waa Jahwareertay Weerar Ayaa Cirka Iyo Dhulka Looga Keenay Waxaana Jaanisyo Badan Oo Ciyaarta Dili Karay Qasaariyey Xiddiga Dadaalka Badnaa Ee Diaz Balse Dhameystirkiisa Uu Eber Ahaay .

Man City Kaliya Fursad Oo Halis Ah Ayey Heshay Qeybta Danbe Ee Ciyaarta Mar Foden Goolhayaha Kabadbaadiyey Iyo Mar Doku Birta Uga Dhacday Islamarkaana Goolhayaha Qabsaday Kadib Marki Ay Soo Kubada Soo Noqotay .

Liverpool Sikasto Oo Ay Dhaawacyo U Waalayaan Wali Waa Socdaan Waxaa Ayna U Baahi Qabaan In Ay Tartankaan 3 Geesoodka Ah Ku Guuleystaan Walow Aysan Sahlaneyn Fursadda Ugu Weyn Hadda Waxaa Heysata Arsenal Oo Goolal Ku Hogaamineysa Horyaalka Waxaana Ay Isbuuca Soo Socda Tagayaan Etihad Stadium Ayaga Iyo Man City Markaasna Waxaa Jaanis Heysta Liverpool Oo Hadii Badiyaan Oo Kuwaan Isku Garab Dhacaan Horyaalka Lawareegeyso Ama City Badiso Balse Hadii Arsenal Badiso 90% Horyaalkaan Arsenal Ayaa Iska Leh .

Hambalyo Gunners Bareejadaan Waa Ka Faa’iideysateen Muddo Dheer Kadibna Hogaanka Waa Soo Ceshateen Waana U Qalanteen Isbuucaan Idinkaa Iska Leh 🔥🔥🔥

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles