Farmaajo oo kuwajahan Garowe iyo Shariifka oo isna halkaa laga sugayo (Warbixin)

Magaalo madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garowe ayaa waxa lagu wadaa iney dhawaan gaaraan madaxweynayaashi hore ee dalka Mudane Farmaajo iyo Mudane Sheekh Shariif.

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxdaasi ayaa durba laga dareemaya Magaalada Garoowe iyadoo kulanka madaxdaani kusoo aadi doono xili dood diidmo ah ee kala hor yimideen wax kabadalka dastuurka Soomaaliya oo ee wado dowlada Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka madaxdaani ayaa waxa si weyn looga hadal hayaa saaxada siyaasada iyadoo sidoo kale ee jiraan warar sheegaya in halkaasi ka aas aasi doonaan garab mucaarad ku ah dowlada Xasan Sheekh Maxamuud.Ujeedka socdaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo wadatashi ah ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Dastuurka.

Maamulka Puntland oo beri ahaa laf dhabarka siyaasada Soomaaliya ayaa tan iyo intii ee dhismeen dhamaan maamul goboleedyada dalka ayaa waxa wiiqmay awoodi miisaanka cusleed ee Puntland oo aheed mid aan la’aanteed aan lasocon karin.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xukunka isaga kala dambeeyay ayaa sidoo kale ka siman ineysan udhag raaricin dooda Madaxweynaha Puntland Mudane Deni oo mucaaradad xoogan kala hor yimid labada madaxweyne..

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles