Farqiga u dhexeya Wax-ka-Beddelka Dastuurka KMG iyo Mid Rasmi ah ee JFS

Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) oo dhaqangalay 2dii Agoosto 2012 wuxuu faraya dhammeystirkiisa ka hor afti dadweyne ee lagu tala galay in la qabto ka hor dhammaadka mudda xileedkii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) oo aheyd 20kii Agoosto 2016 sida ku xusan qodobbada 133, 134, iyo 136 taaso aan dhicin ilaa maanta. Sidaas oo kale, qodobka 137 wuxuu tilmaamaya Wax beddelka dastuurka rasmiga ah (final constitution) aftida dadweyne kaddib ayadoo meelmarinta wax ka beddelkaas la raacayo qodobka 132. Sida awgeed, wax ka beddelka dastuurka qabyada ah (kmg) ah iyo kan rasmiga ah ee aan weli la gaarin waxaa u dhexeeya farqi.

Si loo hirgeliyo wax ka beddelka dastuurka kmg, waxaa 2013kii lagu dhawaaqay hirgelinat Higsiga 2016 (Vision 2016) ee ka koobnaa 3 hadaf:

  1.   Hirgelinta nidaamka federaalka   2. Dhammeystirka dastuurka    3. Dimoqradiyeynta

Weli laguma guuleysan hirgelinta 3daas hadaf. Isla fahamka habka shaqo ee nidaamka federaalka wuxuu gogol dhig u yahay dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta midnimada Qaranka Soomaliya, taaso gogol dhig u ah hirgelinta nidaamka dimoqradiyeynta ee ku dhisan nidaamka xisbiyada badan iyo nidaamka doorashada xorta iyo xalaasha ah. Baalmarka tilmaamaha qodobka 49 ee dastuurka kmg ee ku saabsan tirada, xuduudaha, iyo degmooyinka dowladaha Xubinta ka ah dowladda federaalka waxay jaahwareerisay hirgelinta nidaamka dowlad federaal ah oo u horseeda midnimada qaranka Soomaaliyeed. Isla akhrinta qodobbada 3 (3) ee ku saabsan mabaadi’ida asaasiga ah iyo 49 (4, 5) ee kor xusan ee dastuurka kmg waxay ishaareysa deegan doorasho degmo iyo gobol, taaso ka soo horjeeda Deegan Doorasho Qaran.

BFS 9aad (2012-2016) wuxuu hab xeer jajab ah xilka dhammeystirka dastuurka kmg ugu wareejiyay barlamaankii 10 (2017-2021), kaaso mar kale xilkaas ku wareejiyay Barlamaanka 11 (2022-2026). Dood kama taagna hortabyada wax ka beddelka dastuurka kmg. Nasiib darro, dhaqan dowladeedka la jiifyaano iyo la joojiyaano bannaan oo aad u cayilay 12kii sano ee la soo dhaafay, wuxuu albaabada u furay nidaam fowdo ah, ka soo horjeeda dhaqan dowladeedka ku qeexan dastuurka kmg. Lug jiidka iyo hagardaamada shalay waxay cudurdar u noqotay lug jiidka iyo hagardaamada maanta iyo ku talagalka lug jiidka iyo hagardaamada berri, taaso noqotay musiibo Somaaliya aafeysay.

Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay ku guda jiraan ka doodista “Soo-Jeedinta Wax-ka-Beddelka Cutubyada 1, 2, 3, 4, ee Dastuurka kmg,” ee Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka Kmg  oo ka kooban shan (5) xubnood ee Golaha Wasirrada ee dowladda federaalka soo magacaabay iyo min hal (1) xubin ee Dowlad Goboleedyada soo magacaabeen iyo Guddiga La Socodka Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kmg ee BFS, guddigaasoo ka kooban min 5 xubnood ee ka kala tirsan labada Aqal iyo min hal xubin ee ka socda Dowlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Afarta cutub waxay ku kala saabsan yihiin:

  1. Baaqa JFS oo ka kooban 9 qodob;
  2.  Xuuquuqda Asaasiga ah iy Waajibaadka Muwaadinka oo ka kooban 32 qodob;
  3. Dhulka, Hantida, iyo deegaanka oo ka kooban 6 qodob;
  4. Mataaladda Shacabka oo ka kooban oo ka kooban 15 qodob.

Isugeynta qodobbada afarta cutub waa 62 qodob oo markii hore ka koobnaa 47 qodob. Dastuurka kmg wuxuu ka kooban yahay 143 qodob iyo 4 lifaaq. Waa harsan dib u eegista 11 Cutub oo ka kooban 96 qodob, kuwaaso tiro badan la tirtiri doono ama la beddeli doono.

Qodobka 51 ee Cutubka 4aad, kuna saabsan hay’adaha sida tooska loo dooranayo wuxuu abuuraya sharciyado (legitimacy) wada siman ee Xubnaha BFS oo matalaya shacabka iyo dowlad goboleedyada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka JFS oo matalaya shacabka. Madaama xubnaha BFS aysan ka mid noqon doonin Laanta Fulinta ee Nidaamka Madaxtooyada, is qabsiga wuxuu ka dhex aloosnaan doona Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, iyo Xubnaha BFS iyo Hoggaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada. Daraasadu caalami ah ee ku saabsan isbarbardhigga nidaamyada Madaxtooyada iyo kuwa Barlamaaniga waxay raajiciyeen in nidaamka barlamaaniga (Parliamentary systems) ka habboon yahay, ka fiican yahay nidaamka Madaxtooyada (Presidential systems), arrintaaso aan gooni u hadli doono mar kale.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay ku jaahwareersan yihiin muranka hareereyay wax ka beddelka dastuurka kmg. Isweydiintu waxay tahay: Wax ka beddelku ma turxaan bixin iyo dhammeystir dastuurka qabyada ahaa 12ka sano, mise waa wax ka beddel dastuur dhammeystiran oo aan weli la gaarin waqtigisii, mise waa qorista dastuur cusub, mise waa ansixinta cutubka 4aad ee ku saabsan beddelka qaabka dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) ee loo beddelayo qaab Madaxtooyo iyo nidaamka labada xisbi iyo guddi doorasho Qaran?

Falcelin iyo dood ka dhalatay baabi’inta Jagada Ra’iisul Wasaaraha, ayadoo Madaxweynaha JFS oo dadweynuhu toos u soo dooran doono uu noqonayo Madaxa JFS iyo Madaxa Golaha Wasiirrada (Laanta Fulinta), waxay hadda isu beddelay eedeymo falal dembiyeed, gadood xildhibanno iyo dowlad goboleed, iyo  eedeymo awood maroorsi iyo muddo kororsi, xaaladdaaso dadweynaha  ku abuurtay walaac iyo niyad xumo. Qodobka 48 (3) ee cutubka 4aad wuxuu faraya in matalada shacabka ka hortagto qalalaase ka dhalan karta tartammada siyasadeed iyo natiijooyinka doorashada, qalalaaso hadda lagu dhex jiro.

Sida ku cad dastuurka kmg, guddiga madaxabannaan ayaa u xilsaaran “soo jeedinta turxaanbixinta iyo dhammeystirka dastuurka kmgqaab hindise sharciyadeed isku xiran oraah iyo  nuxur ahaan” kaddib la tashiyo ballaran, macno leh ee lala yeeshay dadweynaha, waxgaradka, siyaasiinta, dowlad goboleedyada, guddiga labada Gole ee BFS, iyo aqoonyahanno caalami ah ee ku takhasusay cilmiga dastuurrada iyo nidaamka federaalka.

Tusaale ahaan, xilka Guddiga Madaxabannaan wuxuu ahaa soo bandhigidda dastuur turxaan baxsan, dhammeystiran, kuna saleysan habka Madaxtooyada si loo fahmo habka u hoggaansanaanta mabaadi’da abuuritaanka dareen midnimo qaran, nidaamka federaalka, kala soo-cidda awoodaha sharcijedinta, fulinta, iyo garsoorka madaxabannan, isu dheellitirka iyo isla xisaabtanka hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka, kuwo dowlad goboleedyada, iyo dowladaha hoose, iyo kala soocidda Maamulka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benadir/Dowladda Hoose iyo Maamulka Caasimada Muqdisho. Dastuurka waa hal sharci oo isku xiran oo ansixintiisa iyo diidmadiisa ay isku duuban tahay.

Qodobbada 133 Jadwalka iyo 134 Jadwalkaa D ee dastuurka kmg waxay tilmaamayaan qodobbada u sharraxan dib u eegista iyo dhammeystirka dastuurka qabyada ah xag dastuur iyo xag sharci. Qodobbada la tilmaamay in dib loo eego marlaxadda dhammeystirka dastuurka kmg waxay yihiiin: 8 (helitaanka iyo waayidda dhalashada JFS), 9 (Maqaamka Magaalo Madaxda), 22 (Qaabka ka wada qayb galka siyaasadda), 30 (sameynta dugsiyada khaaska, machadyada iyo jaamacadaha), 32 (xaq u lahaanshaha war helidda), 34 (xaqa eedeysanayaasha fal-dambideydo u leeyihiin inay helaaan caawinaad sharci lacag la’aan ah), 36 (dib u celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dalal Ajnabi ah), 37 (Qaxootiga iyo Magangelyo doonka), 39 ( Qaab dhaqanka xal u helidda ku xadgudubka xuquuqda aadanaha), 41 (Asaasidda Guddiga Xuquuqda Aadanaha), 43 (Waxa u noqonayo dhulka federaalka), 45 (qubitaanka Qashinka), 47 (Xisbiyada Siyaasadda iyo Qaababka Doorashada), 49 (Tirada iyo xuduudaha dowlad goboleedyada iyo xallinta khilaafaadka xuduudaha), 51 (shuruucda khuseeya xiriirka wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda), 54 (kala qaybinta awoodaha siyaasadda iyo dhaqaalaha), 68 (shuruucda hab dhaqanka Golaha Shacabka), 70 (Xasaanada xubnaha barlamaanka Soomaaliya), 75 ( shuruucda qaab dhaqanka ku aadan Aqalka Sare ee BFS iyo DG), 110 ilaa 113 (waajibaadka, xilalka, tirada, iyo hannaanka guddiyada madaxabannaan), 111 J (Xafiiska Adeegga Gardoonka dadweynaha -Ombudsman), 123 (Aasaasidda Bankiga Dhexe), 130 (Xaarantimeynta maleeshiyaadka khaaska ah, sharciyeynta ilaalada khaaska, ciidammada amniga, asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaalanka argagixisada,tahriibka dadka iyo dambiyada kale ee abaabulan, nidaaminta dhismaha iyo shaqooyinka booliska federaalka, nidaaminta xiriirrada ka  dhexeeya adeegyada booliska federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, arrinta u hoggaansamida amarrada sharcidarrada ah, asaasidda iyo shaqeynta  guddiga barlamaanka ee khaaska ku ah arrimaha ciidammada qalabka sida, doorka dadweynaha ee dabagal ku sameynta adeegyada booliska federaalka), 131 (Xaaladda degdegga ah), 141 ( u codeynta arrin khaas ah ee dadweynaha).

Tilmaamaha marxaladda dhammeystirka dastuurka kmg kuma jirto wax ka ka beddelka hay’adaha iyo awoodaha dowladda federaalka – Madaxweynaha JFS, Barlamaanka Federaalka Soomaliya, Golaha Wsiirrrada, iyo Garsoorka Madaxabannan.  Inta badan, khilaafaadka iyo is qabqabsiga siyasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kama imaanayaan dastuurka kmg, waxay ka yimaadaan u hoggaansan la’aanta habraaca ku qoran dastuurka, sharciyada maamulka, iyo nidaamka maamul wanaagga.

Dr. Maxamud M. Culusow
mohamuduluso@gmail.com

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles