Farxad iyo Naxtin. Marqatiga aamusan

Midna waan ku farxay, midna waan ka naxay.

1.Major General William Zana oo ka tirsan US African Command, ayaa Muwaadininta Mareykanka ka daadgureynaa Magaaladda Adis Ababa, una digay saaxiibadood, iyaga oo sheegay in aay Magaaldu ku sigantahay in ay Gacanta ka baxdo, oo ay ku dhax burbuto Kooxaha is heeysto.
2. Iyada oo ay sii badanayaan Caalamka Dadka islaamka ah iyo kuwa soo islaamayo, ayaa waxaa dhinac socdo Qorshe Caalamiya oo lagu burburinayo Masaajidda. Iyadda oo hore Dalalka Ciraaq, yaman iyo Syria lagu burburiyay Masaajid badan ayaa Hadda waxaa socdo

Qorshe Sanadkaan 2024 la rabo in lagu Burburiyo 50.000 Masjid. Tusaale:

A. Muddo laba bilood ah Israel waxa ay Gaza ku burburisay 1.000 Masjid.
B. Dalka Hindiya waxaa la qirsheeyay 30.000 Masjid in la burburiyo, horeba waxaa loo bilaabay in la burbiriyo Masajid dhisneed 1000 Sano. Welibana la yiri: Halagu bedelo, Macaabidda Buudaha. Madaxdooda ayaa leh waa in caalamku u midoobo khatarta Islaamka oo xatta Magaaladda Maka la burburoyo.
Ogowna iyaga oo sidaa yeelayo ayaa Sanadkaan waxaa UAE laga furay Macbadkii ugu horeeyay ee Lo’ lagu caabudo.
C. Shiinaha ayaa isna burburiyay Masaajid badan, kuwa kalena ka bedelay Munaaradii.
D. Ethiopia ayaa iyana ka mid ah meelaha laga bilaabay ololaha burburinta Masaajidda.
E. wadamadda Thailand, Sirlanka, Myanmar, oo horeba ay ugu yaraayeen Masaajiddu ayaa iyana laga bilaabay. Waxaa la yaab leh in liiska ay ku jirto Masar oo dhowr Masjid la yiri, Wadooyin ayaa ku yimid.
Allaa ha badbaadiyo, Annagana Allaah ha naga dhigo kuwii fahma qorshahan cusub, lana socdo waxaa Dunida ka dhacayo, una howl galo difaacooda.
La soco dibindaabyada Qarsoon. (F.S:1-13aad)
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles