Francesca Acerbi Oo Laga Saaray Xulka Italy Iyo Warar Kale

Leny Yoro Iyo Xiisihiisa Madrid .

Xiddiga Kooxda Lille Iyo Xulka France Leny Yoro Ayaa U Arka Los Blancos Kooxdi U Baahneed Inuu U ciyaaro Mustaqbalka Ayadoo Dhanka Kale Madrid Ay Xiiseyneyso .

Yoro Oo Lagu Naaneyso New Varan Ayaa Sidoo Kale Waxaa Xiiseynaya Kooxaha Manchester United Iyo PSG Balse Asiga Dooqiisa Waa Madrid .

Cédric Soares Iyo Katagidiisa Arsenal .

Cédric Soares Oo Ah Daafac U Ciyaara Arsenal Ayaa Lagu Wadaa Sanadkaan Dhamaadkiisa Inuu Katago Kooxda Waliba Si Lacag La’aan Ah .

Kooxo Badan Ayaa Xiiseyna Ciyaaryahaankaan Aan Doorka Badan Kulaheynin Arsenal Keydkana Ku Qaata Waqtigiisa Ugu Badan .

Acerbi Oo Laga Saaray Xulka Italy Kadib Cunsuriyad Uu U Geystay Juan Jesus .

Francesco Acerbi Oo Ah Xiddig Katirsan Kooxda Inter Milan Iyo Xulka Italy Ayaa Laga Saaray Xulkiisa Italy Kulamada Sxbtinimo Ay La Ciyaarayaan Xulalka Venezuela Iyo Ecuador.

Acerbi Ayaa Cunsuriyad U Geystay Juan Jesus Oo Ciyaaro Napoli Kaasoo Gool Barbara Ah Kadhaliyey Inter Milan Kulan Napoli Taako U Dhigtay Inter Oo Waayadaan Guulo Xiriir Ah Kusocotay .

Balse Acerbi Ayaa Inkiray Falkaas Cunsuriyada Ah Ee Uu U Geystay Juan Jesus Oo Ref-ka U Sheegay Inuu Ku Dhahay Waxaa Tahay Madow Iyo Waxyaabo Kale Halka Acerbi Uu Leeyahay Muddo 20 Sano Ayaa Ciyaaraha Kujiraa Waxaas Cml Waligey Ma Dhihin Mana Ahi Qof Dag Dag Badan .

Sikastoo Ahaataba Falkaas Cunsurinimada Ee Acerbi Lagu Eedeeyey Ayaa Dhaliyey Buuq Badan Wuxuuna Sababay In Laga Saaro Xulka Italy Kulamada Sxbtinimo Ay Ciyaarayaan .

Arsenal Oo Toos Ula Wareegeyso Raya .

Arsenal Ayaa Qorsheyneyso In Ay Toos Ula Wareegto Goolhayadooda Amaahda Ugu Joogo Ee David Raya .

Release Clause-ka Ama Heshiiska Lagu Burburin Karo Heshiiskiisa Ayaa Ah 27m£ Oo Lacagta Pound-ka Ah Waxaana Wararka Sheegayaan In Arsenal Horeyba Heshiis Afka Ah Ula Gaartay Goolhaya Iyo Kooxd Ay Amaahdan Kaga Soo Qaateen .

Brentford Oo Ah Kooxda Leh Xiddigaan Ayaa Aqbashay Heshiiskaan Sababo La Xiriira Xeerka Dhaqaala Wanaaga Ee Loo Yaqaano FFP .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles