Galmudug dhiig cusub bay rabtaa

Galmudug dhiig cusub bay rabtaa
Galmudug beelihii hore saddexda hoggaan ee sare soo qabtay, waa in wax laga beddelaa,
Tusaale Sacad oo madaxweyne ah
Mareexaan oo ku xigeen ah
Murursade oo Guddoomiye Baarlamaan ah
Halagu beddelo
Cayr oo Madaxweyne ah
Wacaysle oo ku xigeen ah
Duduble oo guddoomiye baarlamaan ah.
Qaar baa odhan doona saddexduba waa Hiraab xaq maaha,
Xaqdarra ka weyn miyaa jirta qof deegaankiisa la leeyahay madax kama noqon kartid.
Galmudug kooxdii hore, Toban sannadood waxa ay ku hayeen gawaan cidlo ah, waxa ayna ka dhigeen, Jabcad lagu tuugsado.
Hubaashi wax waa la qabtay meel
Wax laga bilaabona waa la keenay, balse saddex kama jiraan.
1. Amnin laysku halayn karo
2. Horumar la taaban karo
3. Hannaan dowli ah oo shaqeynaya.
Ninka haatan Madaxweynaha ah waxa uu afduubay hannaankii maamulka oo waxa uu ka dhigay Bakhaar uu isagu leeyahay oo wax walba in isaga loo daba fadhiisto ayuu ka dhigay.
Haddana waa nin caddaaladda iyo dad isku wadkuu sheegtay ka fog.
Anigu waxa aan qabaa in Xildhibaannada lagu soo doorto deegaamadooda, maxaa yeelay Degmada Ceelbuur maahine inta kale waa xor oo Alshabaab ma joogo.
Goob kasta oo xildhibaanno deegaankaa ahi ku tartamayaan ciidan ilaalin karaa waa joogaa.
Yaan la eersan maamul ee qolo weliba ninkay iyadu rabto ha keensato, golaha deegaanka degmada sidaa halagu doorto, degmooyinka la wada degona guddi doorasho oo dhexdhexaad ah haloo sameeyo.
Galmudug buuq iyo yabaq uma baahna ee dadkii dhaaqaajin lahaa maanta haloo dooro.
Uma baahna wadaad xagjir ah
Hoggaamiye kooxeed
Horjooge fadhiid ah
Ganacsade danayste ah
Ma gudbe talo xume ah
Wax ay u baahan tahay
Guddoonshe talo wacan
Hoggaanshe hufan
Hawlqabad dhab ah
Horseed nabad iyo horumar.
Galeyr

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles