Garsoor baa gob deeqa

Kooxdii habaarnayd ee NN ayaa kansho ka heshay ay isku dhidhiyaan bulshada Koonfureed iyo tan waqooyi.

Horta dilka dadka dhintey waa kuwo siyaasad loo diley waxii dileyna baadhitaan baa ku socda oo wey soo caddaan.
Dadka raba in ay Xasarad ka dhex abuuraan bulshadana isu bahala galiyaan ujeedkoodu waa hal mid.
Waa loolanka Kursiga ee doorashada soo socota in nacayb lagu dhex abuuro qolyo ay u arkeen iyaga oo aan la kala dilin in aan guul laga soo hoyn karin tartanka madaxnimada.
Ma jirto dhaliilo buurbuuran oo dowladda lagu buquujin karo marka laga yimaado been abuurkii kooxdu ku caan ahayd.
Waxaa hadda la adeegsanaysa laba kooxood oo ah, Koox gacan ku dhiiglayaal ah oo dadka haldoorkooda dila iyo koox af ku dhiiglayaal ah oo buunbuuniya.
Labadaa kooxood waxaa maalgelinaysa kooxdii fashilantey ee Nabad iyo Nolol oo cimri dherer ka raadinaysa.
Kooxo abaabulan baa jira oo iska horkeenaya, Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn, Hawiye iyo Isaaq ama Dir oo lagu abuurayo nactooyo iyo colaad.
Ujeedkuna waa in doorashada marka la gaadho kursiga lagu koro aanooyin iyo utumo la dhex dhigey bulshada .
Hannaankani waa kii gumeystaha iyo kelitalisku ka mideysnaayeen ee ahaa Qaybi oo u tali, haddana waa qaybi oo ku dangaadh.
Dadka ilmada yaxaaska iska keenaya ee leh labada dhinacba waxbaa na gaadhay maaha 90% dad dareen hadlaya ee waa kooxo abaabulan.
Ujeedkaygu waa in haddii qof la dilo iyadoon cid kale la ijaafeyn loo helo garsoor dhaameystiran dhan walba. Oo aan lagu meeraaleysan, Alshabaab waxaa martigeliyey Reer koonfur iyagaana hoggaanka u hayey, kaddib aragtidii reer koonfurka ee ahayd, dil hooyada, Aabbaha iyo ubadka aan waxba galabsan ayey reer waqooyigii la jireyna ku maamuuleen.
Maxaakiimtii iyo Xisbul islaan iyo Raaskambooni ayaa dhalay Shabaab.
Axmed Godane godob wuu galay balse ma aysan ahayn mid tolkiis ku taageersan yahay aragtidaasna ku wateen.
Axmed Godane kama soo duuleyn Ceerigaabo, Burco, Hargeysa ee Koonfur dhexdeeda ayuu ka soo duulayey hawshaasna waa „Gudin yahay imaad goyseen haddaan gobolkey kugu jirin. Haddaba Alshabaab ma dowlad bay ahayd mise koox argagixiso ah oo ilaa maanta jirta oo lala dirirayo.
Siyaad Bare dhibkii iyo xasuuqa uu geystay lama barbardhigi karo kan Alshabaab.
Kooxda NN Hargeysa iyo Muqdisho midna wanaag uma hayaan ee waa koox la mid ah lana galo iyo gaashaanbuur ah Alshabaabka.
Dadku waa Soomaali dalkana waa wada degaan, wiilka u dhashay Xamar haddii Jabuuti, Jigjiga iyo Wajeer baabuur ku jiidho hab loo xaliyo ayaa jira mid dowli ah iyo mid dhaqanba.
Sidaa si la mid ah wiil reer Hargeysa haddii lagu diley Xamar maaha markii ugu horreysay, waxaas jirtay mar inta la dilo aan maydkiisa la arkayn oo lagu aasayed Jaziira.
Haddase dowlad baadhaysa oo garsoor u raadinaysa ayaa joogta waanna dowladdii uu shaqaalaha u ahaaa, Dowladduna maaha tii shalay kooxda ugu xidhnayd khaanadda ee waa mid la wada leeyahay, Marxuumka iyo cid walba oo dhib loo geystayna waxaa xil ka saaran yahay laamaha ammaanka.
W/Q. Cabdiraxiim Hilowle Galayr.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles