Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa arin cusub kasoo saaray Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray sharci sheegaya in xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgiliyo marinka Gaza, sababtoo ah bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaraarkan ayaa sheegay in dhammaan dadka gacanta lagu hayo si degdeg ah loo sii daayo, isla markaana aysan jirin wax dadka ka celinaya in ay helaan gargaarkii ay u baahnaayeen. Waxa kale oo ay leedahay in dadka ku nool Gaza la ilaaliyo ammaankooda.

Xeerkan waxaa sameeyay koox ka kooban 10 wadan oo Qaramada Midoobay ah. 14 waddan ayaa ku raacay xeerkan oo si rasmi ah u dhigay, laakiin Maraykanku waxba kamuu odhan, sidaas awgeed way fududaatay in xeerkaas lagu dhaqmo.

Waa markii sideedaad oo golaha ammaanku ay isku dayaan inay xabad joojin ka sameeyaan dagaalka Gaza, balse inta badan wey ku guul dareysteen.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles