Golaha Wasiirada oo shiray, go’aanana soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles