Goolhayaha kooxda Real Madrid Thibaut Courtois ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray tababarka.

Goolhayaha Real Madrid Thibaut Courtois ayaa garoomada ka maqnaan doona dhowr todobaad ka dib markii uu ku soo baxay maalinnimadii Talaadada Xanuun jilibka midig ah ( Meniscus tear ) intii lagu jiray tababarka , La Liga ayaa sheegtay arinkan.

31-jirka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa la filayay inuu dib ugu soo laabto kooxda Real Madrid ka dib markii ACL uu ka soo booday jilibka bidix bishii Agoosto ee la soo dhaafay. Waxa uu maray baadhitaan MRI galinkii dambe ee Talaadadii kaas oo xaqiijiyay dhaawaca jilibka midig.

“Kadib baaritaanno la sameeyay maanta, ciyaaryahankeena Thibaut Courtois waxaa laga helay Meniscus tear gudaha jilibka midig,” Kooxda Real madrid ayaa soo saartay hadalkan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles