Goormuu dhaqan galayaa Sharciga wax kabadalka Qadashada Baasaboorka Jarmalka iyo Shuruudo cusub.

Wasaarada arimaha gudaha ee Jarmalka ayaa ugu dambeenti ku dhawaaqday in 26.06.24 ee noqon doonto taariikhda uu dhaqan galayo sharciga wax kabadalka qaadashada dhalashada dalka Jarmalka kaasi oo noqon doono mid ee si weyn usugayaan muhaajiriinta kunool dalkaasi.

Sharcigaani oo hore u ansixiyeen Baarlamaanka dalkaasi ayaa dhigaya in qofki shan sano sharci kuheestay ee deganaa dalka Jarmalka uu xaq uyeelanayo dhalashada dalkaasi, kagadaal marka uu la yimaado dadaal xaga dhax galka bulshada taasi oo xataa sababi karto inuu shan sano kayar uu ku xareesan karo.

Sidoo kale sharcigaan cusub ayaa ogolaanayo in qofka uu isku heesan karo laba jinsiyadood Tusaale Soomaali iyo Jarmal taasi oo dad badan usuura geli karto iney si sharci ah uwada lahaan karaan laba jinsiyadood oo kala duwan.

Sharcigaan cusub ayaa waxa uu meesha kasaari doonaa hubaanti la’aan xoogan oo hore ugu gadaamneed sharcigi hore ee qaadashada baasaboorka dalka Jarmalka, taasi oo jirtay in Gobol walba si madax banaan uu wax kubixin jiray.

Dalka Jarmalka oo waayadii danbe ahaa dalka hogaaminayo Yurub xaga sharci siinta iyo fursadaha dadka iyagoo xataa aanan wili sharci helin, ayaa waxa uu dhalashada dalkiisa siiyay sanadihi udambeeyay Soomaali dhan 1560 qof.

Dalweynaha Jarmalka ayaa lagu naaneesaa hooyada reer Yurub kuna asteesan Wadanki fursadaha iyo rajada dadka soo galootiga.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles