Goorta Shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya (Warbixin)

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kale oo cusub la gashay shirkad kale oo Mareykan ah, taas oo shidaal kasoo saari doonta xermooyin shidaal oo ku yaala Soomaaliya.

Shirkadan cusub oo la yiraahdo Liberty ayaa shaacisay heshiiska ay la saxiixatay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka.

Shirkada ayaa sheegtay in uu heshiiskan yimid kadib yadadiilada laga qaaday saliid iyo gaaska ganacsi ee laga helay dalalka kale ee Bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tanzania iyo Mozambique.

Arrinkaas ayaa horseeday in shirkadaha saliiddda ayay dib u qiimeeyaan rajada batroolka ee dalalka geeska Afrika.

Waxa uu heshiiskan ka dhigan yahay iyo waxa ay qaban doonto shirkada shidaalka Mareykanka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa heshiiska la saxiixday Madaxa Shirkada Shidaalka ee Liberty Petroleum Lane Franks

XIGASHADA SAWIRKA,LIBERTY PETROLEUM

Heshiiskan oo la saxiixay shalay oo ahayd 11ka Maarso ayaa shirkadan siinayo qandaraas shan sano ah oo sahmin ah si shidaal looga soo-saaro Soomaaliya.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliya madaxa Hay’adda Hay’adda Batroolka Qaranka Cabdulqaadir Aadan Maxamuud ayaa la saxiixday heshiiska iyaga oo ku sugan xarunta shirkada ee Mareykanka.

Waxa uu heshiiskan siixanayaa shirkadan fadhigeedu yahay Mareykanka saddex xirmo oo shidaal oo dhanka xeebta ah, kuwaas oo loo kala yaqaan xirmada 131, xirmada 190, iyo xirmada 206.

Waxay xirmooyinkaas ka mid yihiin goobaha horey loo sahmiyay ee rajada laga qabo in laga soo-saaro shidaal badan, oo wax weyn ka bedeli kara dhaqaalaha iyo nolosha Soomaaliya.

Xirmada shidaalka ee 131 oo horey loo sahmiyay waxay muujineysaa inay jirto rajo weyn oo laga qabo in aagan xeebta ah laga heli karo kheyraad badan oo shidaal ah.

Xirmada 190, oo ku dhextaal Dooxada Jubba-Lamu, ayaa iyada sahanka horye loogu sameeyay uu muujinayaa suurtagalnimada ah in halkaas loogu tago saliid gaas sare oo aad u badan.

Xirmada Saddexaad ee la siiyay shirkan fadhigeedu yahay Mareykanka waa 206, taas oo la barbardhigo xeebaha Namibia ee shidaal tirada badan, wax weyn ka bedelay dhaqaalaha dalkaas.

Xogta sahminta ee ay qaban-doonta shirkadan ayaa go’aamin doonta suurtagalnimada shidaalka iyo xaddiga laga soo saari karo dhulkaas marka ay bilaabato shidaal-qodistu.

Haddii sahannadan lagu guuleysto, waxay horseedi kartaa hawlgallo shidaal soo saarid dhammaystiran ah.

Shirkada Shidaalka Liberty waxay sheegtay inay heyso warbixin ay soo saartay dowladda Mareykanka oo sheegeysa in Soomaaliya laga yaabo in ay haysato keyd shidaal iyo gaas gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskan oo ay shirkada Mareykanka ee Liberty shaacisay.

Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo taariikhi ah March 8, 2024 kaas oo khuseeya sahaminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah ee xeebaha.

Turkiga ayaa sanado badan khibrad u leh sahaminta tamarta badda tan iyo markii uu gaaska ka helay badda madow 2020.

Goorta shidaalka laga soo-saarayo Soomaaliya

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.

Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana degmada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hay’adda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.

Khuburadan ayaa intii ay joogeen Hobyo waxay si dhow ugu kuurgaleen saameynta qodista iyo soosaarista shidaalku ku yeelan karto deegaanka, gaar ahaan bulshada xeebaha ku nool ee u nugul nakhaska karboonka ee ka soo fufaya lakabyada badda gunteeda ah ee shidaalku ku xanniban yahay.

Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaal illaa 250 xirmo oo horay loo qoondeeyey, sida ay baahisay wasaaraddu, balse Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo kala ah Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

Qaar ka mid ah howlaha ay gacanta ku heyso shirkada Liberty ee shidaalka looga soosaarayo xeebaha

Waxa laga yaqaan shirkadan Mareykanka ee heshiiska shidaal ay Soomaaliya la gashay

Shirkada shidaalka ee Liberty waa shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan oo ay xarunteedu ku taal gobolka Phoenix.

Waxaa la aas-aasay sanadkii 1997dii, iyada oo sheegta inay gacanta ku heyso 17 deegaan oo shidaal laga soo-saaro dunida oo dhan.

Ilaa maalinkii ay shaqo bilowday, waxay shirkad qabatay howl shidaal soo-saarid iyo horumin ah iyada oo ku shaqeeyay lacag dhan $1.7 bilyan oo doolar. Sanadkii 2009kii waxaa loo aqoonsaday inay ka mid tahay tobanka shirkad ee ugu saameynta weyn dunida dhanka shidaalsoo-saaridda.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles