Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshadeed, Dimuqraadiyeynta dalkakuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo. Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska.

Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka.

Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaranyihiin todobo askari, qorina ku  rakibanyahay .

Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xigaan kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay.

Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid lagula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan ugu halista badan dunida guudkeeda.

Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suranyahay sawirka Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisanyahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furanyahay.

Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacanqaaday. Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegsado inkastoo ay si marinhabaabin u tahay tilmaanta astaanta “Dal fashilmay” ayaa u muuqata shaqo dhib badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sarreeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysay een ku meel gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyihii Militariga ahaa ee muddada dheer xukumyay Soomaaliya.

Wax yar uun kaddib doorashadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku day dil lagula beegsaday hotel uu ku qaabilayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Mar kale xubno ka tirsan kooxda argagixisada ee Alshabaab oo ah tan ugu hantida iyo halista badan kooxaha hoostaga Alqaacidda ayaa gaari ku qarxisay ilinka laga galo Villa Soomaaliya. Mid ka mid ah dagaalyahanka kooxda argagixisada ayaa ku dhawaad 100 mitir u jirsaday halka Madaxweynaha ku sugnaa ka hor inta aan la toogan.

Waxaa dib loo doortay bishii May ee sanadkii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay qabto hey`addiisa sirdoonku waxa uu yahay mar kale bartilmaameedka koowaad ee Alshabaab.

Maalmo uun yar kaddib wareysigaan kooxda jihaadiga ayaa fulisay labo qarax oo dilay ugu yaraan boqol qof. Mid ka mid ah bartilmaameedyada ayaa ahaa Wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu hoggaamiyo Waziir Faarax Sheekh Cabduqaadir saaxiibka siyaasadda ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh- waa uu ka badbaaday weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo ku tilmaamay weerarka aargoosi ka dhan ah guusha ay dawladdiisa cusub ay ka gaartay waxa uu ku tilmaamay dagaal aan waxba lala harin doonin oo ka dhan ah argagixisada. Dawladdiisa ayaa dhawaan dib ula wareegtay dhawr deegaan oo muhiim ah.

Soomaaliyana waxay wajaheysaa caqabado faro badan. Soomaaliya ayaa inta badan lagu arkaa halka ugu hooseeysa ee kala sarreynta caalamiga ah ee musuqa, saboolnimada iyo nuglaanta dawladnimada.

Fagaaraha siyaasadda Soomaaliya dhaxdeeda 67 jirkaan ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan inta kale. Guud ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliya ma uusan ka tagin dalka .

Dhammaan caruurtiisa 20-ka ah ayaa ku dhalatay dalka. Taas ayaa ka duweysa Madaxweynihii xukunka uga horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah kaas oo inta badan noloshiisa ku qaatay Gobolka New York sida inta badan aqoonyahanka Soomaalida ah.

Markii ay Muqdisho lugaha la gashay fowdo kaddib hawlgalkii Maraykanka ee fashilmay 90 meyadii inta badan ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa.

Maxamuud oo waqtigaa ahaa Macallin iyo ganacsade ku sugan caasimadda ayaa xasuusta in xilligaas uu ahaa waqtigii dhaca, dilka, maleyshiyaadka iyo habeenno hurdo la`aan ah oo aadan marnaba ogeyn goorta hoobiye gurigaaga kusoo dhacayo.

Waxa uu dib usoo xasuustay geerida saaxiibkiis ka weynaa oo uu dilay firir ka dhashay hoobiye ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn halkii uu saaxiibkii joogay.

“Waqtigaa wuxuu ahaa waqti adag. Isma aanan lahayn waad badbaadi doontaan. Waxbarshada Jaamacadeed heerka labaad oo uu kusoo qaatay Hindiya darteed Xasan waxa uu ahaa nuuca nolol fiican ku heli karay Kenya ama heli lahaa Visa uu ku tago dalalka Yurubta Galbeed. Hayeeshee marnaba kuma uusan faraxsaneeyn inuu dibadda aado. ”Marnaba iguma  soo dhicin fikiradda ah inaan dibadda aado.”

“Muqdisho waa halka ay tahay inaan joogo. Waxa uu u heystay in dagaalada qabiilada ee waqtigaa holcayay ay si dhaqso ah ku dhammaan doonaan oo ay yihiin kaliya wax yar oo laga gudbayo ka hor inta aan dib loo dhisin dawlad dhexe. Hoggaamiye kooxeedyada ayaa yiri rajo fiican ayaa jirta innaguna waan rumeysanahay”ayuu yiri.

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada. Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii magaaladii u qaybiyay aagag dirirsan.

Waxay ahayd shaqo halisteeda leh. Qaar ka mid ahaa shaqawadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu xasuustay dhacdo isaga ku dhacday maalin sannadkii 1998-kii markii koox maleyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay.

Gudaha waxa uu ku arkay meyd dhulka yaalla. Markii hore waxaan u qaatay qof jiifa.

Maleyshiyaadkii ayaa ka qaatay waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.

Maxamuud ayaa si weyn usoo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah kuwaas oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay.

Bartamihii sanadkii 2000 waxaa sare u kacay xoogagii jihaadiga ahaa taas oo keentay in Itoobiya ay ku duusho Soomaaliya. Soomaaliya ayaa gaartay halkii ugu hooseeyay abid.

Kooxaha jihaadiga oo markii dambe u xuubsiibtay Alshabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka la galay dagaal waddo ka waddo ah, xaafad ka xaafad ah taas oo keentay inay maydadku meel kasta tubnaadaan.

Madaxweynaha mustaqbalka iyo saaxiibadiis ayaa isku xilqaamay inay maydadka ka soo aruuriyaan burburka iyo goobaha ay yaaleen.

Dawlado kumeel gaar ah oo isxigxigay ayaa la dhisay si ay dalka nabad ugu soo dabbaalaan wallow awoodooda aysan wax badan dhaafsiisneyn Villa Soomaaliya. Maxamuud iyo saaxiibadiis  oo ka niyadjabsan xaalka waddanka ayaa bilaabay inay ka doodaan waxa xiga ay tahay inay  sameeyaan.

Waxaan iswedyiin jirnay imise sanno oo kale ayaan sugi karnaa? Maxamuud ayaa go`aan ku gaaray in uusan dooq aan ahayn in uu siyaasadda ku biro jirin. 2010-kii ayuu asaasay xisbigii ugu horreeyay tan iyo afgambigii 1969.

Soomaaliya ayaa tan iyo 12kaas sanno waxay sameysay hor u kac. Kooxda Alshabaab ayaa dib loogu riixay deegaanada miyiga ah. Shan maamul Goboleed marka laga reebo Soomaland oo intooda badan la asaasay waqtigii Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay koritaan.

Galinkii dambe maalintaas xilli lagu galbinyay kolonyadiisa wadada weyn waxaa ku xardhanaa boorar lagu xusayo asaaska mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka, xataa haddii aysan jirin dawlad ganacsiyadu waxay heleen qaabab ay ku hormaraan.

Laakiin geediga ayaa muujinaya xadka mashruuca dawlad dhiska Soomaaliya . Villa Soomaaliya waa astaan. Sida madaxtooyooyinka kale ee Afrika malahan weynaanta iyo baaxadda. Waxaa ka muuqda duleelada rasaasta iyo burbur meelaha qaar, marka laga reebo dhisme leh naqshadda Talyaaniga oo udub dhexaad u ah.

Dhismuhu wuxuu u egyahay xero ciidan intii uu u muuqan lahaa xaruunta halbowlaha u ah dawladda. Askar Ugandhays ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ilaalo ka haya xayndaabka madaxtooyaada.

Xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida dawladda Soomaaliya ay ugu tiirsantahay shisheeyaha. Madaxweynenimada Soomaaliya inta lagu raaxeeysanayo waxaa ka badan inta la dhisayo.

Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad geliya sheekeysiga dhexmarayey isaga iyo wariyahq. Saacadadiisu waa adagatahay:

20 saacadood maalintii ayuu shaqeeyaa, todobada maalmood ee usbuucii Madaxweynuhu wuxuu had iyo jeer ku jiraa talefan, isagoo helaya wararka ka soo kordha goobaha dagaalka isagoo leh xiisaha aan ka daalin inuu ka war qabo weerarada cusub ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waddooyinka ayaa la sii banneeyay ka hor inta uusan marin Madaxweynuhu. Halka aan u soconno oo ku dhow goobta aad loo ilaaliyo oo saldhigga u ah safaaradaha ajnabiga ah iyo hoteelada ugu amniga fiican, ciidanka koofiya guduudda ayaa xiray aagga ku dhow.

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedinaya gunaanadka kulanka culimada oo dawladdu ay maalgalisay kaas oo qayb ka ah hindisaha dagaalka fikirka ee dawladda. Xasan oo ah qunyar socod Islaami ah ayaa aaminsan in diintu ay tahay xabagtu la iskugu toli karo ummad burbrutay, siyaasadda Islaamiga ah aysan noqon mid rabshad iyo fowdo ku dhisan.

Markii uu jeedinayay nuxurka farriintiisa oo ahayd inay tahay waqtigii culimada iyo hoggaamiyaasha bulshada ay ka hor imaan lahaayeen Alshabaab, waxay u muuqatay in kasoo qaybgalayaasha oo u badnaa raga masaajidda ay la dhacsanaayeen. Inay dhab ka ahayd iyo in kale way adagtahay in la sheego, hayeeshee waxay ku qoslayeen kaftanadiisa (Mid ka mid ah naaneysahiisa waa qoslaaye).

Khudbadhooda waxay huwiyeen ammaan. Maxamuud marka uu saaranyahay halka uu khudbadda ka jeedinayo uma muuqdo in uu kusoo jiidanayo, laakiin waxa laga dheehan karaa inuu u egyahay Bare jaamaceed ookiyaalihiisa wax ka dhex eegaya. Haddana waxa uu leeyahay cod xooggan iyo habdhaqan ku dejinaya. Indhihiisu waa ay birqayaan marka uu dhoolacaddeeyo, waxa uu leeyahay awoodda sare u qaado niyada ka qaybgaleyaasha.

Waxa uu sawiray muuqaalka Soomaaliyada ka horreysay inta la keenin afkaarta dibadda laga soo dhoofiyay. Muuqaal sida uu sheegay muujinyay dhammaan kooxaha diineed oo si nabad ah u wada noolaayeen dibna loo soo celin karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bud-dhiga dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimograadi ah, tasina ay tahay jidka keliya ee looga bixi karo mushkilada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Ajendaha kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu arko Soomaali oo dib cagaheeda isugu taagtay, oo ayaan jirin wax kale oo uu nolosha ka rabo.

 

Liibaan Lugcad

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles