Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan iyo Xildhibaano oo ay Gawaari gaashaaman galbinayaan ayaa gaaray Baladweyne (Sawiro)

Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Hirshabeele Cali Guud Laawe ayaa gaaray magaaladaasi.

Gudoomiyaha Cusub ayaa sidoo kale waxa safarka ku wehliyo xildhibaano isugu jiro Federaalka iyo Gobolka ayaa safar dhulka ah uga soo dhaqaaqay magaalo madaxda maamulka Hirshabeele ee Jowhar.

Wafdigaani oo galbinayeen gawaarida gaashaaman ayaa waxa ee si nabad ah kusoo gaareen magaalada Baladweyne halkaasi oo shaqaaqo xoogan iyo is hortaag ee lakulmeen maamulki hore ee gobolka Hiiraan.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal HirShabelle looga saaray magaaladan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa lagu wadaa iney qabsoonto xaflad xil ku kala wareegayaan Gudoomiyihi hore ee gobolka iyo kan Cusub .

Inkastoo reer Hiiraan ee safka hore kaga jiraan haganka ka dhanka ah Alshabaab ayaa hadana waxa jiro qilaafyo xoogan oo dhanka siyaasada iyo maamulka ah kaasi oo bulshada halka degan ku kala qeybsan tahay hoos tagida maamulka Hirshabeele iyo yagleelida maamul ugaar ah Hiiraan.

Bulshada reer Hiiraan ayaa matalaad xoogan kuleh maamulka Hirshabeele hasa yeeshe tan iyo marki la aas aasay maamulka Hirshabeele ayaa waxa jiray Siyaasyiiin hubeysan oo diidan adeecida maamulka Hirshabeele.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles