Gudoomiye Masdile oo xilki gudoonka Gobolada Shabeelada dhexe lawareegay

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe Maxamuud Maxamed Nuur “Masdile” ayaa xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Munaasabada xil wareejinta guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”, wasiiro, wasiir ku xigeeno,xildhibaano maamulka gobolka Sh/dhexe iyo maamulka degmada Jowhar.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan uu ahaa qof si weyn bulshada isugu hayay isla markaana ka soo shaqeeyay nabadaynta iyo horumarka gobolka.

Axmed Meyre Makaraan guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe, isla markaana uu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.“Waxaan u mahadcelinayaa dadkii ila soo shaqeeyay mudadii aan ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe,waxaana ka rajeynayaa in sidaa si la mid ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.”ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo munaasabada xil wareejinta ka hadlay ayaa ka codsaday bulshada gobolka Sh/dhexe inay la shaqeeyaan,waxana uu xusay inuu ka shaqeyn doono dhinacyada ammaanka iyo horumarka guud ee gobolka Sh/dhexe.

Ku simaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyihii hore ee Sh/dhexe iyo guddoomiyaha cusub ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub inuu si wanaagsan ugu shaqeeyo bulshadiisa waxaana uu u mahadceliyay guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles