Habeenkii Joselu Iyo falanqeynta Kulankii Cajiibka Ahaay Ee Los Blancos Ugu Gudubtay Final-ka Dhagaweynaha

Anceloti Iyo Xertiisa Oo Markale Iska Xaadiriyeen Final-ka Dhagaweynaha Kadib Markii Aay Katakhalluseen Dhigooda Bayern Munich Oo Marti Ku Aheyd Gigada Bernabeu Stadium Ee Madrid .

Kulankaan Oo Ahaay Mid Aad Loo Wada Sugaayey Islamarkaana Laqiyaasaayey In Waqtiga Dheeriga Leysla Aadi Doono Marki Laqiimeeyo Qaabciyaareedka Labada Macalin Iyo Qaabki Kulanki Hore Kusoo Idlaaday Ayaa Mucjiso Yar Kudhacday Bayern Ayadoo Isleh Difaacda Gool Ay La Hormareen Ayaa Joselu Oo Bedel Kuyimid Kadhaliyey 2 Gool Oo Midka Koobaad Qalad Ku Lahaay Legend-ka Weyn Ee Neuer Daqiiqadii 87 Ayuuna Ahaay Halka 90-ka Iyo Xoogahana Uu Ugu Daray Sidaasna Kooxdiisa Final-ka Ugu Diray.

Caawa Real Madrid Weerar Aheyd Aheyd Ayadaana Kubadda Inta Badan Maamulaneysay Halka Bayern Aheyd Koox Jaanis Gaad Ah Oo Badanaa Difaac Kujirtay Jaanis-kaasna Waa Heleen Balse Tuchel Qaladkiisa Ayey Wax Walba Isku Badaleen Wuxuuba Ilaabay Kooxda Uu Ubaxaayo In Aytahay Koox Suux Naax Ah Oo Madhimato Ah Wuxuuna 80 Iyo Waxlajiro Wada Badalay Sane , Kane Iyo Musiala Taasoo Culeyska Kadajisay Difaaca Iyo Dhaxda Real Oo Ilaalis Badan Kujiray .

Dhanka Kale Anceloti Marwalba Wuxuu Aad Ugu Dheereeyaa Baddalada Shaqsi Ahaan Bilaawga Kuma Wanaagsana Balse Gudaha Ciyaarta Ayuu Aad Ufikiraa Qaladaadkana Markaas Ayey Usoo Baxaan Sida Uu Usaxa Ayeyna Badanaa U Dhacdaa Waa Cabqari Weyn Oo Muddo Kubadda Kusoo Jiray Hadana Maamulaya Boqorada Yurub Ee Madrid Waa Laba Quwadood Oo Iskaashtay Oo Aan Waxba Laga Qaban Karin.

Badallo Muhiim Ah Ayuu Sameeyey Oo Uu Ugu Muhiimsanaa Joselu Oo Laf Dhuunta Gashay Kunoqday Difaaca Bayern Oo Weysnaayeen Qof Box-kaas Joogo Oo Xoogaha Wareeriyo Si Uu Kooxdiisa Uga Faa’iideeyo Kubadaha Badan Ee Ay Abuurayeen Rodrygo, Junior Iyo Bellingham Kulligood Bannaanka Ayay Joogeen Oo Gudaha Badanaa Shaqadooda Ma Ahin Anceloti Wuu Fahmay Ninkaan Uu Kusoo Tuurtay Shaqadiisana Wuu Qabsaday .

Kulanka Ahaan Caawa Kooxda U Qalantay Waxa Ay Aheyd Madrid Maadaama Dhankasta Kaga Fiicnaayeen Bayern 5 Big Jaanis Ah Ayey Abuurtay Real Halka Bayern Aysan Wax Big Jaanis Ah Sameynin Madrid Caawa Nasiibka Ayaa Taleefonka Kudhageysan Rabay Balse Wey Kucelceliyeen Illaa Ugu Danbeyntii Uu Telka Ka Qabtay Laba Jeer Sidaasna Ugu Soo Gudbeen Final-ka

Jamaahiirta Madrid Hambalyo Ayaa Leenahay Maadaama Shaqadiina Qabsateen Final-kana Ku Wajaheysiin Borussia Dortmund Waa U Qalanteen Si 100% Ah 🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles