Hadaad tahay Abgaal & HG Dhalad ah, naf leh oo wax iska celin kara difaac iyo Dagaal waxaa kaaga baahan

Maalin dhaweed markii arrinta Dab Damisku taagneed ayaan Facebook soo galay muddo kadib.
Waxaan arkay Dhallinyaro isku caynaya Abgaal iyo Habargidir. Waxaan rabaa dhawr arrimood inaan idin xasuusiyo saaxiibayaal.
Marka hore anigu xasaasiyad kama qabo doodaha qabiilka iyo in la adeegsado magacyada reeraha, waxaana aaminsanahay iney tahay xaqiiqada dalkeena ka jirta midda ugu weyn, sidaas darteed in ay noo fududahay in wax la isku fahansiiyo.
Marka xigta Abgaal iyo Habargidir iney hadda ku loollamaan doodaha Facebook Big issue ma ahan ee yaan la shideysan, sababtuna waa in xukunka Hawiye joogo.
Mar kasta oo Hawiyaha gacantooda soo galaan wax xukun la xariira, waa caadi in muran koodu bato, marka xukunku gacantooda ka maqanyahayna waa isdoontaan iyadoon la isku raadin.
Waa isla sida marka Daarood la joogo Marreexan iyo Majeerteen isku haystaan marka midkood xukunka joogo laakiin isku bahaystaan markey ka maqanyihiin.
Arrinta dhaqan ahaan iyo dhallinyaro ahaan caqliga aflagaaddo ku ah, kana xumaaday in lagu dhiirado waa midda ah dowladda ayaa dhul HG dagan tahay u bahaan, sidaas darteed Abgaal ayaa weerar ku ah Habargidir.
Dowladdaan Xasan Sheikh madaxweynaha ka yahay qofka Abgaal ee laga dhaadhiciyey ka difaac HG waa doqon soo kooraya, midka HG ee Abgaal u caynaya sababtoo ah dowladdaan ayaa Xasan Sheikh madaxweyne ka yahay asna waa ka liitaa.
Hadaad tahay Abgaal & HG Dhalad ah, naf leh oo wax iska celin kara difaac iyo Dagaal waxaa kaaga baahan furinta Shabaab. Haddii se aad fidnada ku raadinayso views ama faa’iido siyaasadeed, waan iska kaa celineynaa.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles