Hadal Jeedinti Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hadal heenti uu reebay!

Hadal jeedintii uu maanta MD HSM kaga hadlay kiisaska Badda ee Ethiopia iyo Kenya, aad baa loogu hadal hayaa baraha bulshada, gaar ahaan barta Twitter-X-ta , waxaana ku arkayay dad badan oo Madaxweynaha eedeynaya iyo kuwa kale oo rajo beel muujinaya iyo qaar la dhacsanaaba.
Qudheydu si baan u qiimeeyay hadalka Madaxweynaha kadib markii aan dib u daawaday qudbadda, oo runtii aheyd mid ay ka muuqatay deganaan iyo wax xeerin tiro beel ah oo aysan dad badan jecleysan, kuwaas oo malaha ka door bidi lahaa inuu Madaxweynuhu qadiyadahan uga hadlo si adag oo la mid ah siduu uga hadli jiray xadgudubka Ethiopia iyo tii hore ee Kenya.
Balse hadaan dhinaca diplomasiyadda ka eegno isbedelka iyo debecsanaanta maanta ka muuqatay Madaxweynaha, dabcan Maalmahaan dambe waxaa jiray wax xoogaa isu soo dhowaansho ah oo labada dhinac ah, taasoo uu xalinteeda dhexda u xirtay dalka Turkey Inkastoo Kenyana aysan meesha ka marneyn,
Dhowaana waxaa la filayaa iney guddiyo heer wasiir ah oo labada dal ah ay isugu tagaan dalka Turkey, kuwaas oo si ka fool ka fool ah uga wada hadli doona qadiyadaha leysku hayo oo noqday mid ay Caalamka iyo Gobolkuba welwel badan ka muujinayaan, kadibna sida uu qorshuhu yahay waxaa wada kulmi doona Madaxweyne HSM iyo Reysalwasaare Abiy oo iyaguna isla sii eegi doona qodobada ay isku soo afgarteen gudiyada heerka Wasiir ah. ugu dambeyna waxaa ay labada masuul halkaa ka soo wada saari doonaan War-murtiyeed wadajir ah
Markase leysla xiriiriyo qudbaddii uu maanta jeediyay Madaxweynaha iyo heshiiska ka soo bixi kara kulamada ay madaxda Somalia iyo Ethiopia dhowaan ku wada yeelan doonaan dalka Turkey, waxaan madaxdeena kula talin lahaa iney madaxa ciidda ka ceshadaan, oo ay miiska wadahadalka la tagaan go’aamo ka turjumaya marxaladda maanta lagu jiro iyo tan mustaqbalka dambe ee dalkeena.
Waana in marka hore laga heshiiyo dagaalkii 77 dhexmaray Somalia iyo Ethiopia, Xuduudaha labada wadan, Arimaha Siyaasadda, faragelinta Arimaha gaarka ah ee Somalia, ciidamadeeda ku jira gudaha dalkeena iyo qodobo kaloo u baahan in marka hore xal dhab ah loo helo. markaas ayaan is leedahay aragtideyda waa loo gudbi karaa heshiisyada ganacsi iyo kuwa iskaashi ee labada dal.
Guul iyo Gobanimo./-
W-Q: Dulyar

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles