Haweeney wiil gabadheeda u dhaxday ku dishay magaalada Boosaaso

Maxamuud Cabdi Bile Cabdi oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa hooyadeed (Soddohdiis).

Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase ahaatee wararka aanu horudhaca u helayno waxay sheegayaan inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagnaa. Hooyada ayaa la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo ahayd.

Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen Haweeneyda ku eedeysan inay Tooreey ku dishey wiilka ay soddohda u ahayd.

Falkaan ayaa kusoo aaday xilli sidoo kale magaalada Boosaaso maanta lagu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika.

Dablay ku hubaysnaa hubka fudud ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Khaalid Cali Khaalid.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles