Heshiisyo noocee ah ayey kala saxiixdeen Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed?

Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee South Korea oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah.

Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka,

Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique.

Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxiixatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo saadka warshadaha sameeya baytariyada.

Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxiixay intii uu socday shir-madaxeedka.

Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika.

“In kasta oo ay awooddeeda weyn tahay, haddana Afrika waxay weli ka tahay 1-2% ganacsiga iyo maalgashiga Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yiri madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ka hadlayay shirkan ay isugu yimaadeen 200 oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo warshadaha ah oo ka kala socda waddamada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

Waxa uu intaasi ku daray Madaxweyne Yoon “Rajadeydu waxay tahay in iskaashiga kheyraadka ee faa’idada u leh labada dhinac la ballaariyo,”

Yoon waxa uu ballan qaaday Talaadadii in Kuuriyada Koonfureed ay kordhin doonto deeqaha horumarineed ee Afrika oo ay gaadhsiin doonto $10 bilyan lixda sano ee soo socota, waxaanu sheegay in ay ku yaboohi doonto $14 bilyan oo doolar oo ah maalgelinta dhoofinta si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga shirkadaha Kuuriyada Koonfureed ee Afrika..

 

VOA

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles