“Hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan soo uruursannay”,

Qarax khasaare geystay ayaa gelinki dambe ee axaddii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxaas oo aad u xoogganaa isla markaana jugtiisa si weyn looga maqlay qaybaha kala duwan ee Beledweyne si gaar ahna ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.

Waxa uu ka dhacay meel u dhaw saldhig ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.

Qaraxa oo geystay waxyeello nafeed ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa abbe, xaaskiisa iyo gabadh 7 jir ah oo ay dhaleen.

Aabbaha ayaa da’diisa lagu sheegay inuu ku jiray afartameeyada iyaga oo xilliga qaraxa ay la kulmeen ka yimid bannaanka magaalada Beledweyne oo beero ay ugu yaalleen.

Xasan Cabdi Adan ayaa lagu sheegay magaca marxuumka iyada oo ooridiisii la geeriyootay iyana lagu magacaabi jiray Muslimo Maxamed.

“Walaalkey waxa uu geeriyooday qaraxii gelinkii dambe ee axadda ka dhacay Beledweyne, runtii waan tiiraanyeysannahay, waxaa kale oo naga geeriyooday xaaskiisii iyo gabadh yar oo ay dhaleen oo aan adeer u ahay”, ayuu yiri Feylow Cabdi Adan oo la dhashay Marxuum Xasan una warramay BBC-da.

Waxa uu sheegay in xilliga ay qaraxa la kulmeen ay ka yimaadeen beeraha ku yaalla bannaanka Beledweyne halkaa oo beero ku lahaayeen isla markaana ay mararka qaar tegi jireen.

Feylow oo faah-faahin ka bixinaya sida ay ku heleen warka geerida ayaa yiri, “waxaa jirta gabadh walashey ah ayaa sheegtay in uu meel dhexe ku soo dhaafay ku dhawaad toban daqiiqo kadibna qaraxa ayaa dhacay kadibna taleefannadii ayaa noo bixi waayay”, ayuu yiri.

Inta ka dib waxa uu sheegay in ay soo raadiyeen isla markaana ay tageen halkii uu qaraxu ka dhacay balse ay la kulmeen indho xumo aan la xamili Karin.

“Waxa aan tagnay meeshii ay dhibaatadu ka dhacday, runtii waxa ay ahayd wax aan la qiyaasi karin hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan Meesha kasoo aruursannay”, ayuu sii raaciyay Feylow isaga oo aad u tiiraanyeysan.

Beledweyne

XIGASHADA SAWIRKA, SOCIAL

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay adkeyd in la kala garto meydadka, balse astaamo ay ku yaqaanneen ay u sahashay in ay aqoonsadaan dadka ehelkooda ah ee ay dhibaatada la kulmay.

Xasan iyo Muumino waxa ay ifka kaga tageen 7 carruur ah oo kale oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne.

Xilliga Feylow Cabdi aan la hadleynay waxa uu sheegay in ay u taagan yihiin aaskii marxuumiinta oo ay dul joogaan.

Beledweyne ayaa lagu tiriyaa in tahay magaalada labaad ee Soomaaliya ee ay ka dheceen qaraxyada ugu badan marka laga soo tago magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxyo ay saameyn badan ka dhalatay ayaa lagu xusuustaa in sanadihii la soo dhaafay ay ka dheceen magaalada Beledweyne.

Dadkii ugu saameynta badnaa ee ku geeriyooday magaalada Beledweyne waxaa kamid ahayd Xildhibaan Aamina Maxamed oo ka mid ahayd xildhibaannada Soomaaliya.

Bishii Maarso 23 keeda, 2022 kii waxaa magaalada baledweyne lagu dilay Allaha u naxriistee xildhibaanadda oo xilligaas ku sugneyd magaalada.

Majirto haatan wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Baledweyne oo ku aadan qaraxan khasaaraha geystay nooca uu yahay iyo tirada rasmiga ah ee waxyeelada ka dhalatay.

Qaraxaan ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahaayeen Xaafadaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xeradaas, islamarkaana ay la wareegeen xerada ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

bbc

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles